muxuu ka dhiganyahay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ciidanka Itoobiya ?
Golaha ammaanka qaramada midoobey ayaa saacado ka hor ansixiyay howlgalka cusub ee AUSSOM, kaas oo badeli doona kumanaanka askari ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuna midaysan magaca ATMIS, kuwaas oo shaqadoodu ay ku egtahay 31-ka bishan December.
Intii uu socday kulanka lagu ansixinayay howlgalkan cusub dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay dalabkeedii ahaa in ciidamada Itoobiya aanay u qalmin inay dalka sii joogaan ama xoogagga cusub ee Soomaaliya imaanaya ay kamid noqdaan, maadaama hab-dhaqankoodu aanu la jaanqaadi karin danta JFS.
Golaha ammaanku si buuxda ayuu u tixgeliyay rabitaanka dowladda Soomaaliya, Itoobiyana si rasmi ah ayaa looga reebay howlgalka, balse wakiilladii Addisa ababa kulanka ku matalayay waxay sheegeen in Soomaaliya aanay weligeed xasili doonin ayaga la’aantood.
Waxay intaa ku dareen in Soomaaliya ay food ku soo hayaan mowjado qulqulatooyin ah oo jilba u dhigi doona dowladnimada beesha caalamku ay ku tiir iyo tacab beeshay ee sanadaha badan la yabyabayay, islamarkaana qaranimada Soomaaliya waqti dhow lays weydiin doono.
Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay in kooxda Al-shabaab ay hadda aad u soo xoogaysanayso oo ay dhul cusub qabsanayso, taas oo ah mid ka durugsan xaqiiqda taalla fagaaraha muuqda.
Inkastoo taliska ilaalinta deriska wanaagga iyo ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah ka arradan ee Abii Axmed ku guuldarraystay meelmarinta damiciisii ahaa in ciidankiisu sii joogaan dalkan ay luggooyada ku yihiin, haddana hadalka Addis ababa waa farriin xambaarsan xasrado ay damacsanyihiin inay Soomaaliya ka oogaan.
Lama ogga sida arrintani ay u saamaynayso heshiiskii Ankara, kaas oo labada dal ay hoos ugu dhigeen xiisaddii ku dhowaad sanadka ka dhex aloosnayd, balse dhinaca Addis ababa ku biirista howlgalka cusubi ahmiyad gaar ah ayuu u lahaa, sida ay ku sheegeen war saxaafadeed ay soo saareen.
Ciidanka Itoobiya waxay Soomaaliya tobanaan sano ku joogeen magaca nabad ilaalin aan qorshohooda ku jirin in lagu guulaysto, waxayna xeeldheereyaashu qabaan in dhib kastoo Soomaaliya ka dhacay ay Itoobiya gadaal ka taagnayd laga soo billaabo jabhadihii ay soo hubaysay ee dalka burburiyay 1991-kii.
Si kastaba ha ahaatee Itoobiya oo xuduud la leh dhammaan dowlad goboleedyada, islamarkaana kumanaan askari oo sharci darro ah iyo dublumaasiyiin maamullada dalka gaar ula macaamilaahi ay Soomaaliya u joogaan ayaa wax walba u huraysa sidii ay dowlad dhiska Soomaaliya u cuuryaamin lahayd, dowladda Soomaaliyana waxaa laga sugayaa inay qorshe ka yeelato hagardaamooyinka Addis ababa ay maleegayso.