Taliyaha NISA oo gaaray Maxaas
Sheeko:Arrimaha Amniga
Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka dhashay dilkii todoba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ee ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dilkaas ayaa sababay khasaare nafeed waxaana dowladda Soomaaliya ay bilowday baaritaanno ku saabsan dhacdadan.
Waxaa lagu waddaa in uu kulamo kala duwan la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada.
Sidoo kale Wafdi ka socda Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan deegaanka Ceelbaraf.