Ciidamada Puntland oo Toogtay Xubin ka Tirsan Daacish oo Miino Aasayay
Ciidamada amniga Puntland ayaa ku toogtay magaalada Boosaaso nin ajnabi ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish, xilli uu wadada weyn ee aagga Nakhiil ku aasayay miino.
Sida ay sheegeen ilo amni, ninkan ayaa lagu arkay isagoo falkaas fulinaya, waxaana shacabka deegaanka oo ka shakiyay ay xogtiisa si degdeg ah u gaarsiiyeen laamaha ammaanka.
Ciidamada Puntland ayaa markiiba goobta soo gaaray, taasoo keentay in ninkaasi isku dayo inuu baxsado kadib markii uu qarxiyay miinadii uu waday. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ayaa toogtay ninkii argagixisada ahaa, iyagoo ka hortagay waxyeello uu geysan lahaa.
Shacabka Puntland, oo si dhow ula shaqeynaya ciidamada difaaca, ayaa muujiyay taageero xooggan oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish. Howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha xagjirka ah ayaa si joogto ah uga socda buuraleyda Cal-miskaad, halkaas oo Puntland ay ka waddo dadaallo lagu adkeynayo amniga iyo xasilloonida gobolka.