Cali Jeyte oo sheegay inay xubno ajaanib ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan
Ergayga gaar ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha macawislayda ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay op ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwo deegaanku fuliyeen lagu diley rag ajaanib ah oo ka garab dagaalayay Al-shabaab.
” qof ajanabi ah oo meel uu ka yimid iyo wax uu u socdo aan la garanayn baa buurtaa shalay dadkii ku dhintay ku jiray” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte oo la hadlay ciidamadu.
Sidoo kale wuxuu sheegay in hoggaamiyaal badan oo bulshada iyo deegaanka halis ku ahaa ay meesha ku dhinteen, waxayna arrintani muujinaysaa in tirada ajaanibta Soomaaliya lagu diley ay todobaadyadii la soo dhaafay aad u kordheen, ayadoo ay ciidamada Puntland sheegeen inay buuraleyda gobolka Bari ku dileen tobanaan shisheeye ah oo ka garab dagaalayay kooxda Daacish.