Puntland oo sheegtay in maanta keliya ay ciidamadeedu in ka badan 24 xubnood oo ajaanib ah dileen
Sheeko:Arrimaha Amniga
Puntland ayaa sheegtay in ay ciidamadeeda ka dagaalamaya buuraleyda gobolka bari dagaalka maanta dhacay ku dileen in ka badan 24 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish, dhammaantoodna ajaanib ahaa.
Afhayeenka Ciidanka Puntland Janaraal Maxamuud Faadhigo oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay dagaal Ciidanka difaaaca iyo kooxda Daacish ku dhex maray buuraleyda Calmiskaad lagu diley xubnahaas, asagoo intaa ku daray inay jiraan dhaawacyo soo gaaray askartooda.
Puntland ayaa wadda howlgal xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari, waxayna saraakiisha gulufkaas hoggaaminaysaahi sheegeen in guulo waaweyn ay gaareen ciidamadu, islamarkaana ay cagta mariyeen goobo badan oo dagaalamayaasha Daacish ay ku sugnaayeen.