U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland oo ka Baxsanaya Mas’uuliyadda Wixii Shalay ka Dhacay Baardheere

Waxaa weli laga dareemayaa saamaynta dagaalkii ka dhacay shalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaasoo sababay khasaare nafeed, dhaawacyo, iyo burbur hantiyeed. Dad badan ayaa wali ka maqan guryahoodii oo ay ka barakaceen.

Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa dagaalkaan kasoo saaray war-saxaafadeedyo iska soo horjeeda oo ay kala soo saareen Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Jubbaland.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku ammaantay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed sida ay uga difaaceen degmada Baardheere kooxihii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, waxay sheegtay in weerarkaas uu abaabulay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo xustay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku eedeysay Dowladda Federaalka, iyada oo sheegtay in dagaalkii Baardheere uu ahaa mid ay soo abaabuleen Masuuliyiin ka tirsan DowladdaFederaalkaSoomaaliya.

Sidoo kale, Jubbaland waxay ka digtay in dagaallo kale laga huriyo degmooyinka Beled-Xaawo iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo, iyadoo sheegtay in ay dadaal ugu jirto xasilloonida iyo nabadda gobolka.

Xaaladda Baardheere iyo guud ahaan gobolka Gedo ayaa ah mid kacsan, waxaana muuqata in xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay sii xoogeysanayso.

Waxaa muuqata in labadeena dhinac ay ka baxsanayaan Masuuliyadda dadkii shalay ku dhintay dagaalka Baardheere.