Magaalada Boosaaso oo aas qaran loogu sameeyay saraakiil ku geeriyooday dagaalka Daacish
Sheeko:War
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/13102024/FB_IMG_1739430551913.jpg)
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa aas qaran loogu sameeyay laba sargaal oo ku geeriyooday dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolkaas.
Guddoomiyaha degmada Bosaaso iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay aaska Allaha u naxariistee Gaashaanle Farxaan Cabdulqaadir Xasan iyo Dable Xasan Maxamuud Nuur oo dhowaan ku geeriyooday dagaalka Calmiskaad.
Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda gobolka bari ayaa laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayadoo ciidamada Puntland ay dileen boqolaal dagaalame oo ajaanib u badan, balse dhanka kale askar iyo saraakiil muhiim ah ayaa naftooda ku waayay gulufkan ujeedkiisu yahay in gobolka iyo dalkoo dhan laga saaro Daacish.