U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo la wareegay Bacaadweyne

Ciidamada Daraawiishta Galmudug, kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo ciidamada deegaanka ayaa saaka weerar ballaaran ku qaaday magaalada Bacaadweyne ee koofurta gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee ka howlgala deegaannadaas.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka, howlgalka ayaa lagu beegsaday kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo is aruursanayay, waxaana lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxdaas.

Dagaalka ayaa weli ka socda gudaha magaalada, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in ciidamada huwanta ay ku guuleysteen inay qabsadaan inta badan magaalada Bacaadweyne.

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka weli lama xaqiijin, maadaama howlgalku uu weli socdo. Saraakiisha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ilaa iyo inta laga saarayo kooxda Shabaab ee ku sugan deegaannadaas.