Bayraktar Akıncı: Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee dalka Turkiga oo ka mid noqotay awoodaha difaac ee Soomaaliya

Dowladda soomaaliya ayaa dhowaan la wareegtay diyaaradda Bayraktar Akıncı oo ah diyaarad dagaal oo aan duuliye laheyn, waa nooc joog sare ku duusha, isla markaana adkeysi xooggan leh, waxaa horumarin ku sameeysay shirkadda tukiga ee Baykar, taasoo ah tallaabo ciidamada soomaaliya u horseedeysa kor-u-kac muuqda oo xagga dagaallada ah
Diyaaradan casriga ah ee aan duuliyaha lahayn ayaa loogu talagalay in ay sameeyso hawlgallo kala duwan oo ay ka mid yihiin ilaallo adag, sahmin iyo fulin
- Astaamaha iyo Awoodaha gaarka ah
Waxay hawada sare ku jiri kartaa waqti aad u dheer oo ah (24 illaa 25 saacadood) iyadoo ay intaas sii dheer tahay in ay sameyneyso indha-indheyn iyo sahmin dhul baaxaddiisu ballaaran tahay
- Duulimaad horumarsan iyo xog-uruurin AI ah
Diyaaraddan Waxaa loo qaabeeyay hab duulimaad horumarsan oo AI ku shaqeeya, kaasoo suurtagelinaya in ay dareento dhacdada isla wakhtiga dhabta ah ee ay wax dhacayaan, sidoo kale in ay si madax-bannaan u qaadato go’aanno wax-ku-ool ah, iyo in ay ku shaqeeyso wacyi sare, iyadoo fulineysa hawlgal waxtar leh
- Adeegsiga Culeysyo kala duwan
Diyaaraddan dhererkeedu waa 12.2 mitir, ballaca baalasheedu waa 20-mitir, halka culeyskeedu uu yahay ugu badnaan 6,000 kg, diyaaradda Akıncı markiiba waxay qaadi kartaa in kabadan 1,350 kg oo culeys ah – ha ahaato rasaasta caaqilka ah ama bambooyinka la hago
- Hab Raadaar oo Horumarsan
Diyaaraddan waxay sooc la tahay Tiknolojiyad Raadaar oo horumarsan, taasoo markiiba si fudud ku heleysa bartilmaameedka loo baahan yahay, weliba awood u leh in ay ku shaqeyso cimillo iyo xaalado kala duwan ayadoo si ogaal buuxa iyo wacyi sare ah u hawlgaleysa
- Isgaarsiin isku dhafan
Waxay adeegsaneysaa xiriirka dayax-gacmeedka ha ahaato mid la xiriirta khadka aragg (LOS) ama mid ka baxsan khadka aragga (BLOS), si loo ilaaliyo xakameyn joogto ah iyo in xogaha loo kala gudbiyo masaafooyin aad u kala fog
Saameynta ay ku yeelan karto Hawlgallada Soomaaliya
- La socoshada iyo xoojinta sahanka
Diyaaradan aan duuliyaha lahayn waxay bixisaa xog sirdoon oo ku saleysan waqtiga dhabta ahayadoo si isku mid ah uga soo gudbisa Berriga iyo badda, taas oo muhiim u ah la socodka dhaq-dhaqaaqyada kuwa dowladda kasoo horjeeda sida Al-Shabaab iyo daacish.
- Awoodda Duqeyn sugan (in ay abbaarto bartilmaameedka)
Waxay awood u leedahay in ay rasaas ku toogato isla markaana bambooyin ku duqeyso goobaha bartilmaameedka u ah, weliba in ay si sugan hadafka u toogato, taasoo wax weyn ka tareysa hawlgallada lagu sifeeynayo argaggixisada
- Iskaashi istaraatiijiyadeed oo xooggan
La wareegidda ay dowladda soomaaliya la wareegtay diyaaraddan ayaa hoosta ka xarriiqaysa xiriirka qotoda dheer oo dhanka difaaca ah ee u dhexeeya dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya, kaasoo gacan ka geysaneya xasilloonida iyo amniga gobolka
- Waxqabadyada Muuqda
- Adkeysiga ay u leedahay in ay sameeyso duulimaad 24-25 saac oo xiriir ah
- in ay ku hawlgasho duulimaad joog sare ah oo gaaraya 40,000 oo feet
- In ay dayax gacmeedka xiriir kala sameeyn karto meel 5,000 km ka shisheeysa
In dowladda soomaaliya lasoo gaarsiiyo diyaaradda Bayraktar Akınci waxay ka dhigan tahay horumar weyn oo laga gaaray dhanka tignoolajiyada difaaca la xariirta.
Diyaaradda sida adag ee loo farsameeyay, Culeysyada kala duwan ee ay xambaari karto, iyo muddada fog ee ay shaqeyn karto ayaa ka dhigaysa hanti qiimo leh oo lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada iyo astaan muujineysa xoojinta madax-bannaanida qaranka—iyadoo xaqiijinaysa doorka wax-ku-oolka ah ee Dowladda Turkigu ay ka qaadaneyso dagaalka casriga ah ee loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha wadin