Warbixin: Guulaha Dowladda ee Dagaalka ka socda Shabeellaha Dhexe iyo xeeladaha cusub ee kooxda

Bishaan Ramadan bilowgeedii, dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar abaabulan kusoo qaaday gobolka Shabeellaha Dhexe.
Si degdeg ah ayay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah iyo ciidanka deegaanka uga jawaabeen weerarka, iyagoo billaabay duqeymo aan kala joogsi lahayn si loo joojiyo firxadkii kooxda iyo howlgal dhulka ah.
Ciidamada qaranka ayaa si geesinimo leh u difaacay shacabka, taasoo keentay in kooxda laga dhigo mid aan awood u yeelan inay weerarkeeda sii waddo oo ay dib u maamulaan meellihii horay looga saaray.
Intaas kaddib, dowladda Soomaaliya ayaa labo duqeyn oo culus ka fulisay degmada Jilib, oo ah mid ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn ee kooxda. Duqeymahan oo si xeel dheer loo qorsheeyay ayaa lagu dilay maleeshiyaad badan iyo amiirro muhiim ah oo laf-dhabar u ahaa Al-Shabaab.
Sidoo kale weerarkii kooxda ay kusoo qaaday Shabeellaha Dhexe oo khuburada ammaanka ay sheegeen in ay qorsheynaayeen Muddo dheer dadka kooxda ay ku weysay waxaa ka mid ah Yuusuf Dhignaas oo dhanka dagaalka kooxda ugu jiray Kaalin aysan kasoo kabsan doonin.
Dowladda Soomaaliya ma hakan, waxayna duqeymo qorsheysan ka bilowday dhammaan goobaha ay kooxda ku sugan tahay. Weerarradan ayaa sii wiiqay awoodda Al-Shabaab, iyadoo khubarada dhanka amniga ay xaqiijiyeen in duulaankii ay kooxda qaaday uu kusoo dhammaaday fashil. Waxaa la burburiyay gaadiid dagaal oo aad u badan, taasoo kooxda ka dhigtay mid si weyn u daciifay.
Waxyaabaha dagaalladii dhacay maalmihii lasoo dhaafay ku cusub waxaa ka mid ah in kooxda ay markii ugu horreysay ay bilowday in ay dhigato baroordiiq ka dhacday degmada Jilib.
Sidoo kale Kooxda ayaa soo kordhisay olole Warbaahin oo ah oo igu sawir ah oo ah in ay taggaan meelaha u dhow Muqdisho oo ay sawiro ku galaan si ay u muujiyaan in ay Muqdisho ku dhawaadeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo muujiyay hoggaan geesinimo leh, ayaa go’aansaday inuu tago furimaha dagaalka. Tallaabadan dhiirrigelinta leh ayaa sare u qaaday niyadda ciidamada, kuwaasoo si karti leh u wajahay dagaalka ka dhanka ah kooxda.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale muujisay in ay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab, iyada oo dagaalka uu sii xoogeysanayo maalinba maalinta ka dambeysa.