U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dib ugu Laabtay Deegaannada uu ka Socdo Abaabulka Howlgallada ka Dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu laabtay deegaannada lagu abaabulayo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaddib markii uu magaalada Muqdisho kulammo muhiim ah kula yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa magaalada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kula hadlay boqolaal ka mid ah halyeeyada Macawisleyda, oo door muuqda ka qaadanaya difaaca deegaannadooda.

Xasan Sheekh ayaa ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah, si loo sugo nabadda iyo xasilloonida dadka Soomaaliyeed.

Intaa kaddib, Madaxweynaha ayaa gaaray degmada Cadale, halkaas oo uu si toos ah uga hoggaamin doono abaabulka iyo howlgalka ballaaran ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sii xoojinaysa dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyada oo taageero buuxda siinaysa shacabka iyo ciidanka dagaalka kula jira kooxaha nabad-diidka ah.