U bood dhigaalka

Magaalooyinka kamid ah Soomaaliya oo maanta laga soomanyahay 

Sheeko:War

Xilli maanta dalalka Islaamka intooda badan ay u tahay maalinta koobaad ee ciidul fidriga ayaa magaalooyin iyo deegaanno kamid ay Soomaaliya laga soomanyahay, ayadoo dadka ku nool qaarkood ay sheegeen inaysan bishii arkin, sidaas awgeedna ay 30-ka Ramadaan dhammeystirayaan.

Magaalooyinkaas waxaa kamid ah Caabudwaaq, Guriceel, Gaalkacyo,magaalada Garoowe dadka ku nool qarkood, iyo meelo kale, sida ay inoo sheegeen xog-ogaal u waramay goobjoog.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka sida joogtada ah laysugu khilaafo dhalashada bilaha Soonka iyo Soon-furka, iyo xittaa ciidda Carafo, ayadoo dadka gobollada ku nool qaarkood ay maalinta labaad ciidaan.