Ciidanka Daraawiishta Puntland oo gubay fariisimo ay kooxda Daacish ku lahayd buuraleyda Calmiskaad

Ciidamada Daraawiishta dawlad goboleedka Puntland ayaa hawlgallo ka dhan ah kooxda Daacish ka sameeyay deegaanka ceelka Bacool ee togga Miiraale oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Ciidamada ayaa intay hawlgallada ku jireen gacanta ku dhigay 6-kamida gaadiidka, gaar ahaan awrta ay isticmaali jirtay kooxda, islamarkaana sahayda ku qaadan jireen.
Si dookale ciidamadu waxay gubeen xarumo kooxdu ay ku lahayd aaggaas, dhinaca kalena waxay gaareen fariisimo ay horay u duqeeyeen diyaaradaha dhanka cirka ka taageeraya hawlgalka halkaas ka socda.
Ciidanka Daraawiishta Puntland oo bilihii la soo dhaafay dagaal xooggan kula jirey kooxda Daacish ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray howlgallada ay ka wadaan buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.