U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo la wareegay deegaanka Abooray ee gobolka Hiiraan 

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan halkaasi oo saaka aroornimadii Ciidamadu ku qaadeen weerar saf ballaaran ah.

Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay maydadka xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo daadsan gudaha deegaanka, waxayna sheegeen inay ku daba jiraan qaar kale oo baxsad ah.

Aboorey oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa ah deegaan istiraatiiji ah oo u muhiim ah isku xirka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxayna la wareegiddiisu leeyahay ahmiyad weyn markii la eego dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.