U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka SSC-Khaatumo oo ku heshiiyay in qaar kamid ah maxaabiista Soomaaliland la sii daayo

Sheeko:War

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maalmahan ku sugan magaalada Laascaanood ee caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo iyo masuuliyiinta maamulkaas kulamo kala duwan ka yeeshay xaaladda guud ee deegaanadaas iyo arrimaha ammaanka ayaa isku afgartay in la sii daayo 25 maxbuus oo kamid askartii Soomaaliland ee lagu qabtay dagaalkii Goojacadde sanadkii 2023-kii.

25-kan maxbuus oo la sheegay inay duruufo gaar ah qabaan ayay dowladdu dhowaan dib ugu celin doontaa deegaanada Soomaaliland si ay eheladoodii ula midoobaan, sida lagu sheegay war-murtiyeed ay wadajir u soo saareen DFS iyo maamulka SSC-Khaatumo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in safarka Ra’ïisul Wasaaraha ay qeyb ka tahay xallinta dhibaatooyinkii ka dhashay dagaalladii dhex maray Soomaaliland iyo SSC-Khaatumo, balse lama oga in maxaabiistan Soomaaliland looga badelan doono kuwa kale ee xabsiyadeeda ku jira iyo in toos loo sii deyn doono.