U bood dhigaalka

Puntland oo walaac ka muujisay in gargaarka bini’aadantinimada dalka lagu xiro kaarka aqoonsiga NIRA

Sheeko:War
  1. Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay inay si weyn uga walaacsantahay heshiis ay dhowaan gaareen Hay’adda maareynta masiibooyinka SoDMA iyo hay’adda diiwaangelinta dadweynaha ee NIRA, kaas oo ay qeyb ka ahayd in bixinta gargaarka bani’aadantinimada lagu xiro haysashada kaarka aqoonsiga qaranka.

War Saxaafadeed ay soo saartay Puntland ayaa lagu yiri ” Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay ka muujinaysaa walaac weyn oo ku saabsan wada-hadalladii dhawaan dhexmaray Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), kuwaasoo ku saabsanaa soo jeedin ah in la mideeyo diiwaangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs) isla markaana gargaarka bani aadantinimo lagu xiro nidaamyo diiwaangelin oo heer federaal ah.

Soo-jeedimahani waxay si toos ah uga hor imaanayaan awoodaha dastuuriga ah ee Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka (FMS), kuwaasoo si cad masuul uga ah diiwaangelinta iyo maaraynta dadka ku sugan dhulkooda. Isku day kasta oo lagu baabi inayo awoodahaan waa mid hoos u dhigaya qaab-dhismeedka dawladnimo ee ku saleysan federaalka ee ku xusan Dastuurka KMG ee Soomaaliya.

Mowqifka Puntland ee Gargaarka Bani’aadantinimo iyo Isku-dubbaridka Gargaarka

Dowladda Puntland waxay si cad u diideysaa isku day kasta oo lagu siyaasadaynayo gargaarka bani aadantinimo iyo isku-dubbaridka kaalmada. Waxaan si buuxda uga go’an qodobadan soo socda:

Ixtiraamka Mabaadi’da Gargaarka Bani aadantinimo: Waxaa ka go’an in gargaarka lagu saleynayo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, iyadoo aan la dhexgelin arrimo siyaasadeed.

Hubinta Qaybin Caddaalad Ah: Kaalmada waa in loo qaybiyo si ku saleysan baahi, halkii ay ka noqon lahayd dan siyaasadeed, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo caddaalada.

Xoojinta Wada-shaqeynta La leenahay bahwadaagt Caalamiga ah: Waxaan muujinaynaa muhiimadda ay leedahay xiriir daahfuran, isla xisaabtan leh, oo ku dhisan is-ixtiraam lala yeesho hay adaha caalamiga ah si loo kordhiyo wax-ku-oolnimada dadaallada gargaarka.

Dhowrida Maamulka Deegaanka ku Saleysan: Waxaan si buuxda u taageersanahay qaab-dhismeedka maamulka federaalka ee ku cad Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qaab-dhismeedkani wuxuu xaqiijinayaa in go’aannada laga gaaro heerarka dawladeed ee ku habboon, si wax looga qabto baahiyaha gaarka ah ee bulshooyinka maxalliga ah.

Puntland waxay u aragtaa mabda’yadan kuwo aasaasi ah si loo xaqiijiyo in gargaarka bani’aadantinimo uu gaaro dadka u baahan, iyadoo la ixtiraamayo xuquuqda iyo madaxbannaanida bulshadeena”.