Puntland oo diiday ka qeybgalka Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa mar kale adkeeyay in gogoshii uu horey ugu fidiyay Soomaalida ay wali taal magaalada Garowe, islamarkaana Puntland ay diyaar u tahay in la isugu yimaado shir qaran oo dhab ah.
Madaxweyne Deni wuxuu hadalkan ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka PMPF.
Madaxweyne Deni ayaa si cad u sheegay in haddii shirka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay uu la mid noqonayo shirarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC), gaar ahaan kii ay Puntland kasoo baxday bishii December 2022, aysan Puntland ka qeyb geli doonin.
Waxa uu xusay in shirkii NCC ay uga soo baxeen sababo la xiriira in laga leexday wixii Soomaalida ku heshiiyeen, oo ugu horreeyo arrinta Dastuurka, isagoo tilmaamay in aan wax horumar ah laga gaari karin ilaa laga laabto khaladaadkii dhacay.
“Shir aan wax dhab ah lagu xallin, oo lagu marayo dariiqii hore ee khaldan, ma tagi doonno,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Hadalkan Madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xilli siyaasadda Soomaaliya ay mar kale wajahayso kala aragti duwanaansho ku saabsan hannaanka dib u eegista Dastuurka iyo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.