U bood dhigaalka

Sucuudiga oo dhexdhaadinaya dalalka Hindiya iyo Pakistan 

Xilli maalmihii la soo dhaafay ay cirka isku sii shareeraysay xiisadda u dhexeysa dalalka Hindiya iyo Pakistan, islamarkaana labada dhinac ay qaadeen tallaabooyin xaaladda uga sii daraya ayaa dowladda Sucuudigu waxay ku dadaalaysaa sidii Khilaafka hoos loogu dhigi laa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga oo khadka taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Hindiya Pakistan, ayaa sheegay inuu dib u eegis ku sameeyay xiriirka labada dal, wuxuuna kala hadlay xaaladda gobolka iyo dadaallada la sameeyay, sida ay baahisay shabakadda Aljazeera.

Hindiya iyo Pakistan oo labaduba ku hubaysan awoodda Nukliyeerka ayaa dhawr mar isku fara-saaray dagaallo ka dhacay soohdinta, gaar ahaan gobolka lagu muransanyahay ee kashmir, waxayna maalmihii la soo dhaafay wadeen dhaqdhaaqyo u muuqanaya abaabul dagaal.