Puntland oo sheegtay in is dhaafsiga maxaabiistu uu horseedi doono iskaashi ay la yeeshaan Soomaaliland

Xilli magaalada Garoowe laga sagootiyay maxaabiis ay Puntland horay ugu qabatay dagaallo ka dhacay gobolka Sool, islamarkaana Soomaaliland ay maxaabiis kale soo deynayso saacaadaha soo socda ayaa Puntland waxay sheegtay in tillaabadani ay horseedi doonto iskaashi iyo wada-shaqayn buuxda oo labada dhinac dhex mara.
Wasiirka caddaaladda dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdi-wahaab oo arrin war qoraal ah ka soo saaray ayaa yiri “Maanta waxaan ku wareejiney dowladda Somaliland 15 Maxbuus oo ka mid ah maxaabiista lagu soo qabtey dagaaladii ka dhacey Gobalka Sool 2023. Somaliland ayaa dhankeeda ku soo wareejisey dowladda Puntland 11 Maxbuus oo horey loogu qabtey isla dadaaladii ka dhacey Gobalka Sool”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri
“Tani waa tilaabo wanaagsan oo loo qaadey dhanka iskaashiga nabadgalyada, amniga, ganacsiga, walaalnimada iyo isdhexgalka bulshadeena. Waa wax lagu farxo in wiilal Somaliyeed oo 2 sano xabsi ku jirey ay maanta dib u helaan xorriyadoodii, lana midoobaan qooysaskoodii iyo eheladooda”.
Dhacdooyinka ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Puntland oo maalmaha ka hor Soomaaliland ugu baaqay inay iskaashadaan danaha labada maamul iyo xaaladda gobolka, asagoo ku tilmaamay deris aan laga maarmin.