Pakistan oo tijaabisay gantaal casri ah, xillii ay sii kordhayso xiisadda kala dhexaysa Hindiya

Xilli ay sii kordhayso xiisadda u dhexaysa dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa militariga Pakistan wuxuu Tijaabiyay gantaal Casri ah oo masaafo fog gaari kara.
Milateriga Pakistan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in gantaalkan oo gaaraya 450 kilomitir (279 miles) loo ganay si loo xaqiijiyo diyaargarowga howlgallada ciidamada
Daahfurka gantaalkan ayaa timid kadib markii Pakistan ay sameysay dhoolatusyo militari oo xariir taniyo markii ay dib u qaraxday xiisadda kala dhexaysa dalka deriska ah ee Hindiya.
War saxaafadeedka uu soo saaray militariga Pakistan ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Pakistan, Ra’iisul Wasaaraha iyo taliyayaasha ciidamadu ay ugu hambalyeeyeen ciidanka sida wanaagsan ee loo soo bandhigay tijaabada gantaalkan casriga ah.
Pakistan ayaa horay u sameysatay dhawr gantaal oo casri ah, kuwaas oo ay ugu caansanyihiin gantaalka Shaheen oo gaari kara masaafo dhan 2,750 kilometer, lana soo bandhigay sanadkii 2015-kii, iyo gantaalka ridada gaaban ee Nasr, kaas oo tijaabadiisu guulaysatay 2011-kii, islamarkaana gaari gara 70 kilometer.