AKHRISO: Qodobada kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo ka dhacay Magaalada Muqdisho 6–7 May 2025 ayaa noqday mid muhiim u ah dib-u-habaynta siyaasadeed, amni, iyo hannaanka dowlad-dhisidda ee Soomaaliya. Shirkan oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo wada-tashiga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka. Waxaa sidoo kale lagu lafo-guray arrimo la xiriira amniga qaranka, geeddi-socodka doorashooyinka, iyo horumarinta nidaamka federaalka.
1. Warbixin
GWQ waxa uu warbixino faahfaahsan ka dhagaystay:
a. La-taliyaha Amniga Qaranka oo golaha uga waramay xaalada dagaalka lagula jiro argagixisada iyo qorshaha looga nadiifinayo goobaha ay dhawaanahan xasilooni darada ka wadeen.
b. Gudoomiyaha Guddiga Doorashada oo si faahfaahsan uga warbixiyay habsami u-socodka diiwaangelinta cod bixiyeyaasha, iyo diyaargarowga guud ee ka billaabmay Gobolka Banaadir.
2. Bogaadin
a. GWQ waxa uu u hambalyeeyay geesiyada ciidamada qaranka iyo xoogagga difaaca bulshada guulaha ay ka gaareen la dagaalanka argagixisada. Sidoo kale wuxuu bogaadiyay sida ay dowladda federaalka u maaraysay qaab-dhismeedka iyo hawsha shaqo ee Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
b. Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyay habsami u socodka howlaha diiwaangelinta dadweynaha ee ka bilaabatay Gobolka Banaadir, wuxuuna ku dhiirrigeliyay in la gaarsiiyo deegaanada dowlad-goboleedyada dalka.
3. Go’aamada Shirka
In la wada qaato mas’uuliyadda la dagaalanka argagixisada lana garab istaago ciidamada qaranka.
In la adkeeyo ixtiraamka hay’adaha dastuuriga ah ee dalka si loo xoojiyo nidaamka dowladeed.
In dowlad-goboleedyadu kala shaqeeyaan guddiga doorashada dardargelinta iyo baahinta diiwaangelinta dadweynaha.
In la soo dhaweeyo nidaamka xisbiyada badan, lana dhiirrigeliyo kooxaha daneeya siyaasadda inay is diiwaangeliyaan.
In la dardargeliyo wada-tashiga siyaasiyiinta iyo waxgaradka si loogu midoobo la dagaalanka argagixisada, dimuqraadiyadda, iyo dib-u-dhiska dalka.
In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta ay keento talo iyo soo-jeedin la xiriirta xaalada Maamul Goboleedka Jubaland si waafaqsan dastuurka.
In SSC-Khaatumo si rasmi ah loogu aqoonsado xubin ka tirsan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, laguna dhammeystiro shirweynaha la qorsheeyay iyadoo la raacayo dastuurka dalka.