dhibaatada ay faragelinta shisheeye ku hayso siyaasadda iyo madax-bannaanida qaranka Soomaaliya

Soomaaliya waxay muddo dheer wajahaysay dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni oo intooda badan ka dhashay burburkii dowladnimo sanadkii 1991 iyo colaadihii sokeeye ee xigay, waxaana Intii lagu jiray xilliyadaas adag meesha ka baxay dhammaan hay’adihii dowliga ahaa iyo qaab dhismeedkii qaranimo.
Burburkaas baaxadda leh iyo kooxo is diidan oo dalka gobol gobol u kala xirtay waxay keeneen in dowlado shisheeye oo qaranka jabka Soomaaliya ka faa’iideysanayaahi ay faragelinta toos ah iyo mid dadbanba la soo bareeraan, ayadoo la macaamilaya maamullada kala qoqoban ee deegaannada, mararka qaarna ayagoo aan cidna kala tashan aaggay rabaan dantooda ka fushanaya.
Inkasta oo qaar ka mid ah faragelinnadii lagu sameeyay dalka marmarsiyo looga dhigtay gar-gaar iyo dib-u-dhis, haddana waxay keentay dhibaatooyin dhowr ah oo hor istaagay horumarka iyo madax-bannaanida dalka.
Noocyada Faragelinta Shisheeye:
• Faragelin Siyaasadeed:
Dalal badan oo shisheeye ayaa si toos ah ama dadban u farageliya siyaasadda Soomaaliya, iyagoo taageera kooxo gaar ah ama siyaasiyiin si ay u helaan saameyn siyaasadeed iyo galaangal maamul, waxayna taasi dhalisay kala qaybsanaan gudaha ah, musuqmaasuq, iyo dowladnimo daciif ah oo mar walba nugul.
• Faragelin Milatari:
Ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya sida kuwa horay loo oran jiray AMISOM iyo ATMIS, haddana loo beddelay AUSSOM iyo ciidamo kale oo dalalkoodu ay iskood u soo dirsadeen si ay dantooda ugu ilaashadaan ayaa ku lug leh howlgallo ka dhan ah kooxaha xagjirka ah, balse sidoo kale ciidamadani mararka qaar waxay ku kacaan falal dhaawacaya midnimada iyo madax-bannaanida dalka, waxayna xilliyada qaar geystaan dhibaatooyin ka dhan ah dadka rayidka ah oo aan inta badan cidina si dhab ugula xisaabtamin.
• Faragelin Dhaqaale:
Gargaar dhaqaale iyo deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya la siiyo mararka qaar waxaa la socda shuruudo siyaasadeed, taas oo keenta in go’aannada muhiimka ah ee dalka laga sugo deeq-bixiyeyaasha, ama qancintooda ahmiyad weyn la siiyo, taasoo wiiqaysa madax-bannaanida go’aan qaadashada dowladda Soomaaliya.
• Faragelin Dhaqan iyo Bulsho:
Mashruuc badan oo shisheeye dabada ka riixayo ama ay maalgelinayaan ayaa saameyn ku yeeshay hab-nololeedka bulshada, iyadoo la bar-tilmaameedsanayo wax ka beddelidda dhaqanka, diinta ama qaab-dhismeedka bulshada, inkastoo Baarlamaanka Soomaaliya ay si joogto ah u diidaan meelmarinta xeerarka ka hor-imaanaya Diinta iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed.
Dhibaatooyinka Ka Dhashay Faragelinta Shisheeye:
• Dowladnimo daciif ah: Faragelintu waxay abuurtay dowlad aan si buuxda ugu adeegayn danaha shacabka, iyadoo marar badan loo hoggaansamo dano shisheeye.
• Kacsanaan Siyaasadeed: Faragelinta siyaasadeed waxay abuurtay khilaafyo joogto ah oo u dhexeeya madaxda qaranka iyo dowlad goboleedyada, taasoo caqabad ku ah midnimada dhuleed iyo wadajirka dadka.
• Colaad iyo Amni darro: Qaar ka mid ah faragelinta milatari ee dalalka shisheeye waxay abuurtay hubaynta kooxo iyo qabaa’il gaar ah sida beelaha xuduudaha dega, kuwaas oo la doonayo inay toos ula shaqeeyaan dowladaha hubka iyo taageerada hagardaamada xambaarsan siinaya.
Si kastaba ha ahaatee Faragelinta shisheeye ee Soomaaliya ka jirtaahi waxay leedahay saameyn togan iyo mid taban, dhibaatada ugu weyn ee ay dalkan dhaxalsiisayna waa dhaawaca ay ku hayso madax-bannaanida, midnimada iyo horumarka dalka, waxaana lagama maarmaan ah in dadka Soomaaliyeed iyo dowladdoodu ay helaan dowladnimo adag oo u istaagta difaaca danta qaranka iyo midnimada iyo ummadda.