U bood dhigaalka

Magacaabista Mungaab ee Gobolka Banaadir – Ma Fursad Cusub mise ku celiska ciyaar hore?

Xalay fiidkii waxaa si rasmi ah mar kale loo magacaabay Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Sida lagu baahiyay faafinta rasmiga ah ee boga Madaxtooyadda Villa Somalia, Magacaabistan oo ah mid dad badan la yaab ku noqotay, waxay dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sababta dib loogu soo celiyay xilkan, waxa uu hore u qabtay, iyo waxa laga filan karo markale.

Waa kuma Mungaab?

Muungaab waa sarkaal ciidan iyo siyaasi Soomaaliyeed oo si weyn loogu bartay xilalkii kala duwanaa ee uu soo qabtay dowladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya. Waxaa si wayn loo bartay sanadkii 2014-kii oo Mudo xileedkiisii hore Madaxwayne Xasan Shiikh u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Caasimadda, xilkaas oo uu hayay ilaa 2015, kahor inta aan laga wareejin. Muungaab wuxuu caan ku ahaa doorkiisii muhiimka ahaa ee dhanka amniga iyo maamulka caasimadda Muqdisho, xilli ay jireen xaalado amni oo adag.

Ka hor intii aan loo magacaabin xilkaas, Muungaab wuxuu ahaa Garsooraha ugu sareeya Maxkamadda Ciidamada, isagoo kaalin muuqata ku lahaa la dagaallanka dambiyada ciidamada dhexdiisa ah iyo kor u qaadidda hay’adaha sharciga.

Waxqabadkiisii Hore

Markii ugu horreysay ee uu noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Muungaab wuxuu qaaday olole adag oo ku saabsan:

1) Amniga magaalada, isagoo la shaqeynayay hay’adaha ammaanka si kor loogu qaado xasiloonida Muqdisho.

2) Dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan wadooyin cusub oo la dayactiray iyo kobcinta bilicda magaalada.

3) Nadaafada magaalada Muqdisho, iyadoo laga qaaday goobo badan oo qashinka ku batay gudaha caasimadda.

4) La dagaallanka dhismayaasha sharci darrada ah, wuxuuna qaaday olole lagu burburinayay dhismayaal aan sharci lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, waxqabadkiisa waxaa hareeyay cabashooyin ku saabsan maamul xumo, ka war-helid la’aan dhibaatooyinka hoose, iyo in ololeyaashiisa qaar aysan waqti dheer socon.

Maxaa Laga Filan Karaa Mar Kale?

Dib u soo celinta Muungaab waxay u muuqataa isku day ay dowladda hadda jirtaa ku dooneyso in la keeno nin leh waayo-aragnimo maamulka magaalada, isla markaana leh aqoon milatari iyo sharciyeed. Haddana, waxaa jira dhowr su’aalood:

1. Weli ma hayaa taageeradii shacabka?

2. Dhibaatooyinkii hore miyaa laga faa’iidaystay?

3. Waa maxay qorshihiisa cusub ee uu kusoo laabtay?

Muungaab waxaa looga fadhiyaa inuu markan si ka duwan uga shaqeeyo Arimahan:

1) Isku xirka degmooyinka iyo hay’adaha dowladda hoose

2) La dagaallanka musuqmaasuqa gudaha maamulka gobolka. Maadaama gobolka lagu tuhmayo in canshuuraha uu soo xareeyo aan wax loogu qaban dadka caasimadda oo aan weli helin adeegyadii ay u baahnaayeen shacabka Muqdisho sida dhismayaasha wadooyinka iyo furida marinadii Biyaha oo kamid ah caqabadaha waawayn ee heeysta Gobolka.

3) Dib u dhiska iyo dayactirka wadooyinka Muqdisho iyo dib u furista marinadii Biyaha, oo maamuladii hore ay ka gaabiyeen wax ka qabashadooda.

4) Ka shaqeeynta hanaanka doorasho qof iyo cod ee Gobolka Banaadir gaar ahaan hanaanka doorasho ee golaha deegaanka degmooyinka Gobolka Banaadir oo maamulkii isaga kahoreeyay uusan aad ugala shaqan Gudiga Doorashooyinka.

5) Kobcinta dhaqaalaha magaalada iyada oo loo marayo canshuur ururin caddaalad ah.

6) Ka shaqeynta nabadda iyo la tacaalidda dhibaatooyinka bulshada sida tuugada iyo ciyaal weerada.

Magacaabistiisu, Ma Fursad Cusub mise tijaabo kale?

Magacaabista Mungaab waxay u dhaxaysaa fursad iyo khatar. Fursad ay dowladdu ku muujin karto isbeddel la taaban karo oo ku wajahan adeegyada dadweynaha iyo horumarka magaalada. Halka ay sidoo kale noqon karto ku celis siyaasadeed oo aan wax weyn ka beddelin dhibaatooyinka hore.

Shacabka Muqdisho waxay sugayaan hoggaan leh hufnaan, dulqaad, iyo qorshe fog oo horumarineed, mana ahan kaliya in magacyo la beddelo balse waa in natiijooyin muuqda la keeno. Sida ay qabaan dadka falanqeeya Arrimaha Siyaasadda.

Mungaab-na hadda wuxuu haystaa fursad yar maadaama mudo xileedka Dowladda Madaxwayne Xasan Shiikh ay ka hartay 11 bilood iyo waxa laga rabo maamulkiisa oo aan yareeyn. Si kastaba, wakhtigu wuxuu muujin doonaa in magacaabistiisu ay ahayd tallaabo sax ah ama qalad siyaasadeed.