U bood dhigaalka

Rajada Nolosha iyo Halista Badda: Tahriibka Dhalinyarada Soomaaliyeed

Tahriibku waa arrin sii kordheysa oo saameyn weyn ku leh dhalinyarada Soomaaliyeed. Kumannaan dhalinyaro ah ayaa sanad walba halis gelinaya noloshooda iyagoo doonaya nolol wanaagsan, nolol ka fog colaadda, shaqo la’aanta, iyo fursad la’aanta ka jirta gudaha dalka.

Dhacdadii u dambeeysay waxay ka dhacday badda Mediterranean-ka, kadib markii doon ay saarnaayeen dhalinyarro Soomaaliyeed ay degtay, taasoo keentay geerida in ka badan 20 qof.

Dhalinyaradaasi waxay u socdeen Jaziiradda Palma ee dalka Spain iyagoo rajaynayay nolol ka wanaagsan tan ay ka tageen. Waxaa la sheegay in doontu la kulantay xaalad adag, iyadoo la rumeysan yahay in rakaabka ay u dhinteen haraad, nafaqo-darro, iyo kaliisha qorxda.

Waa dhacdo murugo leh oo muujinaysa halista sii kordhaysa ee tahriibka. Safarka Aljeria iyo Spain ee dhanka Badda aya hadda ah halista ugu wayn ee ay wajahayaan dhalinyarada nolosha u raadsanaya Qaaradda Yurub.

Maxaa Dhalinyarada ku Riixa Tahriibka?

Dhibaatooyinka dhaqaale, amni darro, iyo rajada ah in la gaaro nolol wanaagsan oo Yurub ama Waqooyiga Ameerika ka jirta ayaa ah sababaha ugu waaweyn ee dhalinyaradu u tahriibaan. Qaar badan oo ka mid ah dhalinyaradaasi waxay u arkaan safarka badda mid ay ka suurogal tahay in uu horseedo nolol cusub, inkasta oo ay ogyihiin halista ay wajahayaan.

Doomo badan oo ay saarnaayeen tahriibayaal Soomaaliyeed ayaa ku degta badda Mediterranean-ka, halkaas oo boqolaal qof ay ku naf waayaan. Geeridu maaha halista kaliya; qaar ayaa la kulma jirdilka ma gefayaasha Libya, xabsi sharci darro ah, iyo xadgudubyo bini’aadanimo xilliga ay marayaan dalalka qaar.

Maxaa Looga Gudbi Karaa?

Si loo yareeyo tahriibka, waxaa muhiim ah in:

– Fursado shaqo: waa muhiim in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado shaqo oo ah caqabada ugu wayn ee keentay in dhalinyaro badan ay isaga quustaan inay dalka joogaan.

– Dhalinyarada laga wacyi-geliyo halista tahriibka.

– Dowladdu ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah si loo xakameeyo tahriibka sharci darrada ah.

Tahriibku waa dhibaato qaran, mana ahan keliya arrin ku saabsan socdaalka, balse waa astaan muujinaysa baahida loo qabo isbeddel dhab ah. Ilaalinta nolosha dhalinyarada waa masuuliyad wadareed u baahan ka qaybgal bulsho, hay’adaha dowliga ah iyo kuwa caalamiga ah.