Sanbaloolshe oo Dib ugu Laabanaya Garoonkii Siyaasadda Baarlamanka

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo dhowaan laga qaaday xilkii Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa si rasmi ah ugu soo laabanaya golaha shacabka isagoo dib u qaadanaya kursigiisii xildhibaanimo ee uu horey u hayay.
Sanbaloolshe ayaa markii hore loo magacaabay Taliyaha NISA markiisii 3aad iyadoo laga qaaday booskii xildhibaanimo, taasoo waafaqsan dastuurka kumeelgaarka ah ee mamnuucaya in qof xil sare haya uu xildhibaan sii ahaado. Hadda oo xilkii laga qaaday, wuxuu dib ula soo noqonayaa kursigii Golaha shacabka uu ku matalayay, isagoo ku laabtay Magaalada Jowhar iyo Xarunta Maamul Goboleedka Hirshabeelle.
Go’aankan ayaa dhaliyay falcelin kala duwan oo ka imaanaya bulshada iyo falanqeeyayaasha siyaasadda. Qaar waxay u arkaan inuu yahay dib u laabasho sharciyeysan, halka qaar kalena ay u arkaan in arrintan ay tusaale u tahay sida siyaasadda Soomaaliya ay mararka qaar ugu dhex milanto xilal isdiidan iyo dano gaar ah.
Sanbaloolshe waa siyaasi horey uga soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo dowladeed, waxaana uu leeyahay khibrad sirdoon iyo xiriir diblomaasiyadeed. Waxaa la is weydiinayaa doorka uu hadda ka ciyaari doono baarlamaanka – ma noqon doonaa mid firfircoon oo dib u dhisa sumcadiisa siyaasadeed mise waxaa loo arki doonaa siyaasi ku soo noqday booskiisa si kumeelgaar ah?
Dib u laabashada Sanbaloolshe ee kursiga baarlamaanka ayaa sidoo kale imaanaysa xilli dalka uu wajahayo marxalad doorasho iyo muran siyaasadeed, taasoo laga yaabo inay fursad u noqoto ama caqabad kusoo kordhiso doorkiisa siyaasadeed.
Dib ugu laabashadda Sanbaloolshe ee Baarlamaanka waa mid muujinaysa in siyaasadda Soomaaliya ay tahay goob mar walba laga yaabo in dad horey uga baxay ay dib ugu soo laabtaan, iyadoo mararka qaar isbeddellada aysan ahayn kuwo waqti dheer soconaya. Waxaa xusid mudan in sidoo kale uu gabaabsi yahay Mudo xileedka Baarlamaanka Soomaaliya oo sanad ka yar ay ka harsan tahay Mudo sharciyeedkiisa.
W/D: Mohamed Farah Ali