Saameynta Dagaalka Israa’iil iyo Iran ku yeeshay Dhaqaalaha Caalamka

Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran ee 13-kii bishan qarxay ayaa si weyn u saameeyay dhaqaalaha caalamka, maadaama labada dalba ay door muhiim ah ku leeyihiin amniga iyo gaadiidka tamarta, gaar ahaan gobolka Khaliijka iyo Bariga Dhexe.
1) Kororka qiimaha shidaalka
Dagaalka ayaa sababay cabsi laga qabo in la carqaladeeyo marinka Hormuz, oo ah halka ugu muhiimsan ee 20% saliida dunida laga dhoofiyo, ayadoo Qiimaha halkii foosto oo saliid ahi uu haatan gaaray in ka badan $100, ka dib markii weerarro lagu qaaday maraakiib ganacsi iyo xarumo shidaal.
Arintaasi waxay si toos ah u saameysay suuqyada tamarta, iyada oo dalal badan ay wajahaan koror qiimaha shidaalka ah oo ka dhashay dagaalka 9-aad ka socda bariga dhexe.
2) Suuqyada maaliyadeed
Sidoo kale Suuqyada saamiyada (stock markets) ee Mareykanka, Yurub iyo Aasiya ayaa hoos u dhacay markii dagaalku qarxay, gaar ahaan qeybaha la xiriira duulista, wax-soo-saarka iyo tiknoolajiyadda, ayadoo maalgeliyayaal badani ay bilaabay inay lacagtooda geliyaan suuqyada amaahda amniga leh sida dahabka iyo Bonds-ka Mareykanka, taas oo sare u qaaday qiimaha dahabka.
3) Gaadiidka Badda
Isku socadka gaadiidka badeecadaha sida ayaa sidoo kale dagaalku waxyeello weyn gaarsiiyay, ayadoo Iran ay weerarro ku qaaday maraakiib maraya Badda Cas iyo Badda Carbeed, taasoo cabsi galisay shirkadaha waaweyn ee gaadiidka.
Maraakiib badan ayaa hakiyay isticmaalka marinka Suez kanaalka, taas oo keenay dib u dhac iyo sicir-barar ku yimid badeecooyinka.
4) Dalxiiska iyo Duulimaadyada oo Hoos U Dhacay
Dalal badan ayaa joojiyay ama hoos u dhigay duulimaadyadii ay ku tegi jireen Bariga Dhexe, taasoo saameysay dhaqaalaha dalal dalxiis ku tiirsan sida Urdun, Masar, iyo Imaaraadka.
Sidio kale Shirkado badan ayaa bixiyay digniino ammaan oo ku saabsan safarka gobolkaas, taas oo meesha ka saartay inta badan dhaqdhaqaaqii dalxiis ee gobolka Bariga dhexe.
5) Koror ku yimid Kharashaadka Milatari iyo Difaaca
Dagaalka ayaa sababay in dalal badan, gaar ahaan reer Galbeedka iyo dalalka Khaliijka, ay kordhiyaan miisaaniyadda difaaca, si ay uga hortagaan cawaaqibka amni-darro ee ka dhalan karta xiisadda gobolka, waxayna arrintaasi sare u qaaday dakhliga shirkadaha sameeya hubka iyo qalabka difaaca.
6) Saameyn ku timid Suuqyada Cuntada
dagaalku si toos ah u saameyn wax-soo-saarka cuntada, haddana carqaladeynta maraakiibta iyo qiimaha shidaalka ayaa kordhiyay kharashaadka gaadiidka, taasoo keentay sicir-barar cunto oo gaaray dalal sabool ah.
Si kasta ha ahaatee dagaalka Israa’iil iyo Iran wuxuu muujiyay sida ay xasaradaha siyaasadeed ee Bariga Dhexe u saameyn karaan dhaqaalaha dunida, gaar ahaan Qiimaha shidaalka, Suuqyada maaliyadeed, Maraakiibta ganacsiga, iyo Amniga tamarta adduunka.