U bood dhigaalka

Soomaalida Yurub kunool qaarkood oo colaad beeleedyadii deeganadooda la tagay dalalkii ay u qaxeen

Warbixinta uu baahiyay TV-ga Jarmalka (DW iyo ARD) ee la xiriirta Yacquub Siyaad iyo Ayuub Cabdirisaaq waxay si qoto dheer u iftiimisay sida qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Jarmalka iyo guud ahaan Yurub ay ugu lug leeyihiin dhiirrigelinta colaadaha Soomaaliya, iyagoo adeegsada baraha bulshada si ay u faafiyaan farriimo dagaal hurin ah.

Warbixintu waxay caddeysay in labada nin – Yacquub oo ku sugan agagaarka Düsseldorf iyo Ayuub oo hore u joogay Jarmalka – ay si toos ah u faafinayeen hadallo dhiirrigelinaya in la beegsado qabiilo gaar ah, la adeegsado hub, lana taageero kooxo hubeysan.

Warbixinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrintani aysan ahayn mid ku koobban hal ama laba qof oo keliya.

Inta lagu guda jiray baaritaannada ay sameeyeen hay’adaha ammaanka iyo ilaalada sharciga ee Jarmalka, waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan shan ruux oo Soomaali ah sharcigii laga laabtay kaddib markii lagu helay hadallo nacayb ah, ama taageero ficillo liddi ku ah xasilloonida. Dadkaasi waxaa laga xayuubiyay xuquuqdii ay ku joogeen dalka, iyadoo qaarna laga musaafuriyay halka qaar kalena sugayaan maxkamado.

Mid ka mid ah soomaalida kunool Jarmalka ayaa Goobjoog u sheegay in shanta ruux sharciga lagala laabtay ay jaajuuseen Soomaali kale oo ku caddeeyay in aysan ka imaan deegaanada ay sheegteen markii hore.

Dhalinyarada kasoo jeedda Somaliland, Khaatumo iyo Puntland ayuu sheegay in khilaafkii ka taagnaa deegaanadooda ay usoo rareen Yurub ayna isku bilaabeen in ay is dacweeyaan.

Tani waxay muujinaysaa in dadka baraha bulshada ka wadda abaabulka in dowladaha Yurub ay ka qaadayaan tilaabo, gaar ahaan marka lagu xiro hadallo ama ficillo loo arko halis amni. Dowladaha Yurub, sida Jarmalka, waxay si dhab ah u eegaan xog kasta oo la xiriirta taageerada argagixisada, nacaybka, iyo hurinta colaadda, taasoo ka dhigaysa in eed kasta – xitaa haddii ay tahay mid aan sal lahayn – ay dhici karto inay burburiso nolosha qofka lagu tuhunsan yahay.

Dhinaca kale, waxaa soo baxay walaac laga qabo in arrimahan ay salka ku hayaan colaado beeleed iyo danaha gaarka ah ee shakhsiyaadka, taasoo dhaawacaysa sumcadda guud ee Soomaalida Yurub ku nool. Arrintan waxay sare u qaaday feejignaanta hay’adaha amniga Yurub, waxayna sababtay in Soomaalida loo arko bulsho ay ka dhex taagan tahay xasarad, taasoo keeni karta in magangalyo-doonka dhabta ah la iska indho tiro.