Cudurka Gowracatada oo Ku Fiday Soomaaliya: Carruur badan oo halis ku jira iyo digniino laga soo saaray

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in cudurka Gowracatada (Measles) uu sanadkan 2025 ku faafayo si aan caadi ahayn, iyadoo tirada kiisaska la diiwaan geliyay ay gaareen heerkii ugu sarreeyay ee la hayo sanadihii ugu dambeeyay.
Warbixin rasmi ah oo ka soo baxday Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa muujisay in guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 2,035 kiis sanadkan, halka sanadkii hore (2024) kaliya la xaqiijiyay 600 kiis. Xogta ayaa caddeynaysa in cudurkan uu ugu badan yahay Puntland oo laga soo sheegay 1,000 kiis, Gobolka Banaadir oo laga helay 400 kiis, halka inta kale ay ka soo laga helay gobollo kale oo dalka ah.
Cudurka ayaa si gaar ah u saameynaya carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano kuwaas oo aan helin tallaalka ka hortagga gowracatada.
Wasaaradda Caafimaadku waxay sababta ugu weyn ee faafitaanka ku tilmaamtay wacyigelin la’aanta bulshada, taasoo sababtay in waalidiin badan aysan carruurtooda u keenin tallaalka lagama maarmaanka ah.
Dhanka kale, Agaasimaha Isbitaalka Demartino ee Muqdisho, Dr. Cabdirisaaq Jalaaludiin, ayaa sheegay in isbitaalku uu diiwaan geliyay bukaano uu soo ritay cudurka Gowracatada oo ka yimid 40 degmo oo kala duwan dalka. “Tiradan waxay caddeynaysaa in cudurku uu saameeyay guud ahaan dalka, maadaama bukaannada laga keenay gobollo kala fog oo Soomaaliya ka tirsan,” ayuu yiri Dr. Cabdirisaaq.
Isaga oo ka hadlayay saameynta cudurka, Agaasimaha ayaa sheegay in gowracatadu ay leedahay halis caafimaad oo degdeg ah, taas oo u baahan in si dhakhso ah loo qaado tallaabooyin ka hortag ah.
Wuxuu ugu baaqay bulshada in ay si dhaqso leh ula xiriiraan xarumaha caafimaadka marka calaamadaha cudurka lagu arko qof, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo kordhin kara faafitaanka.
Cudurka Gowracatada waa mid ka mid ah cudurrada faafa ee ugu halista badan ee saameeya carruurta, gaar ahaan kuwa aan la tallaalin. Khubarada caafimaadku waxay ku boorinayaan waalidiinta in ay hubiyaan in carruurtoodu helaan dhammaan tallaallada lagama maarmaanka ah si loo yareeyo khatarta cudurkan.