U bood dhigaalka

Kala Qaybinta Soomaaliya uma Keeni Doonto Geeska Afrika Nabadgelyo

Soomaaliya waa dal madax-bannaan, xubin rasmi ahna ka ah Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Bulshada Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Xuduudaheeda waxaa si caalami ah loo aqoonsaday laguna ilaaliyaa sharciga caalamiga ah, oo ay ku jirto Axdiga QM iyo mabda’a aasaasiga ah ee Midowga Afrika ee ah ilaalinta xuduudihii gumeystuhu dhigay. Qorshe kasta oo lagu qaybinayo Soomaaliya wuxuu ka hor imaanayaa mabda’aan, wuxuuna khatar ku yahay xasiloonida Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda.

Soomaaliya mararka qaar waxaa lagu soo bandhigaa sidii dal lagu muransan yahay jiritaankiisa. Laakiin dhab ahaantii, waa mid ka mid ah dalalka yar ee shacabka ku mideysan yihiin hal luqad, diin iyo dhaqan. Soomaalidu waxaa isku haya silsilado qoys iyo abtirsiin oo qoto dheer kuwaas oo ka dhex yaalla dhulka la doonayo in la kala qaybiyo.

Dagaalkii sokeeye ee dalka dumiyey ma uusan sal lahayn qabiil ama kala duwanaansho diineed, balse wuxuu ka dhashay loollan siyaasadeed iyo kheyraad. Tabashooyinka xigay, oo ay ku jiraan kuwa laga maqlay waqooyi, waa kuwo siyaasadeed oo lagu xallin karo gudaha qaab midnimo Soomaaliyeed.

Qaab-dhismeedkaasi hadda si tartiib tartiib ah ayuu dib u dhismayaa. Tobankii sano ee ugu dambeeyay, Dowladda Federaalka waxay la shaqaynaysay gobollada iyo bulshada si loo dhiso maamul-goboleedyo iskii u maamula balse ku hadhay qayb ka mid ah dhismaha qaran. Sannadkii 2025, kadib wadatashi ballaaran, shacabka ku nool Sool iyo Sanaag waxay go’aansadeen in ay dhistaan maamul-goboleedka cusub ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, taasoo muujisay in ay si cad u doorteen in ay ku jiraan gudaha Soomaaliya.

Go’aankooda wuxuu xoojinayaa xaqiiqda inta badan la iska indhatiray: bulshada waqooyiga qaar badan ayaa diidan kala go’ iyo in xal laga raadiyo midnimo Soomaaliyeed.

Xaqiiqdaas waxaa si xooggan loogu tijaabiyay sanadkii 2023, markii ciidammada Somaliland ay weerar ku qaadeen bulshooyinka waqooyi bari ee ka horyimid maamulkooda, taasoo barakicisay in ka badan 200,000 qof oo rayid ah. Xaaladdaas ma muujin consensus ama midnimo, ee waxay caddaysay wax ka soo horjeedkeeda: Somaliland ma aha hal mowqif. Bulshooyinka laga soo bilaabo Awdal ilaa Sool iyo Sanaag si joogto ah ayay u diideen gooni-isu-taagga, iyagoo u arka in aanu ahayn rabitaanka ummad dhan balse uu yahay mashruuc qabiil gaar ah.

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Mareykanka, fahamka xaqiiqadan waa lama huraan. Sababta oo ah ma aha oo kaliya in ay saxdo sawirka qaldan ee caalamka ka jira, balse sidoo kale waxay khusaysaa danaha amni ee guud.

Howlgallada ka dhanka ah argagixisada waxay ku tiirsan yihiin iskaashi dhow oo Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, hawlgallada wadajirka ah iyo xarumaha milatari. Taageeridda ama ku khasbidda kala qaybin, iyadoo la raacayo dhaqdhaqaaq gooni u goosad oo ku hadlaya magaca koox yar, waxay kala jabin doontaa dadaalladan, waxayna dhibaato ku noqon doontaa wadaagista xogta sirdoonka iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli ay midnimo ugu baahan yihiin dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab iyo ISIS.

Kala qaybin, halkii ay xal ka noqon lahayd, waxay sii hurin doontaa colaadaha, iyadoo tabashooyinka siyaasadeed u rogeysa kala duwanaansho aqoonsi oo aan wax tanaasul ah laga sameyn karin. Ka baxsan Soomaaliya, waxay dhiirigelin doontaa dhaqdhaqaaqyada gooni u goosadka ah ee qaaradda oo dhan waxayna wiiqi doontaa mabda’a asaasiga ah ee Midowga Afrika ee ilaalinta xuduudihii gumeystuhu dhigay. Qaar waxay ku doodaan kala duwanaansho maamul, balse maamulka wanaagsan kaligiis sal uma noqon karo qaranimo — farqiga u dhexeeya gobollada Soomaaliyeedna ma aha mid aad u weyn sida mararka qaar lagu sheegay. Burburkii Koonfurta Suudaan kadib madaxbannaanida waa xasuusin murugo leh oo muujinaysa in dawladnimada aan lagu dhisin raali ahaansho guud ay keento xasillooni darro halkii ay nabad ka dhalin lahayd.

Goobjoog News waxay u heellan tahay daabacaadda aragtiyo kala duwan iyo warqado tifaftir ah ama maqaallo xiiso leh oo akhristayaasheena anfici kara. Waxaan jeclaan lahayn inaan maqallo waxa aad ka qabto maqaalkan ama qoraal kasta oo kale oo ku jira qaybaha aragtida.

Danjire Daahir Xasan Cabdi waa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka. Waxa uu ahaa madaxweynihii aasaasay ee Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU) iyo sidoo kale Guddoomiyihii Jaamacadda SIMAD intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2024.