Dayaca ka jira xeebta liido iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan

Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho oo ah mid ka mid ah goobaha ugu caansan ee dalxiiska iyo nasashada, ayaa weli la daalaa-dhacaysa xaalad ka fog nidaamka casriga ah ee aagagga damaashaadka dunida, ayadoo aan lahayn wax qorshe dhismo ama maalgashi ah.
In kasta oo ay tahay goob ay kumannaan qof isugu yimaadaan todobaad walba, haddana Liido ma laha meel loo qorsheeyay kala soocidda dadka, mana jiraan aagag gaar ah oo loogu talagalay dalxiisayaasha ama qoysaska doonaya nasasho ammaan iyo raaxo leh.
Waxaa laga galaa labo irid oo ciriiri ah, kuwaas oo aan u kala soocnayn dadka galaya iyo kuwa soo baxaya, daqiiqad kastana ay is buurasho ka dhici karto, mana jiro hannaan amni ama qorshe loogu talo-galay xaqiijinta muwaadiniinta faraha badan ee sida maalinlaha ah u taga.
Ganacsiyada ku yaalla xeebta ayaa intooda badan ah kuwo aan nidaam lahayn, halka qaarna ay ku shaqeeyaan xaalad ku-meel-gaar ah oo aan ka tarjumayn bilicda magaalada, ayadoo hab-dhismeedka guryaha iyo maqaayadaha ku dhow xeebta ay u baahanyihiin dib-u-habeyn iyo qorshe dhismeed la jaanqaadi kara muhiimad aaggaas.
Si kastaba ha ahaatee, xiisaha shacabka ee tagidda xeebtan ayaa ah mid sii kordhaya, waxaana Liido maalin kasta booqda kumannaan qof, kuwaas oo u badan dhalinyarada iyo qoysas, iyo xittaa dalxiisayaal shisheeye, balse isku dhex yaacsanaanta iyo nadaam la’aanta ayaa meesha ka saaray soo jiidasho walba oo goobtaasi yeelan lahayd.
Sida ay xeeldheereyaashu qabaan Xeebtani waxay u baahan tahay maalgashi ballaaran oo ay ka mid yihiin dhisidda goobaha casriga ah, dhisidda waddooyin iyo aagag si habboon loo qorsheeyay, iyo horumarinta adeegyada nadaafadda iyo badbaadada.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la sameeyo qorshe dhismeed oo mideeya qaabka goobaha ganacsi, maqaayadaha iyo goobaha nasashada si ay u noqoto meel soo jiidasho leh oo dalxiisayaasha iyo dadka deegaanka labaduba ku soo hirtaan.
Khubarada horumarinta goobaha dalxiiska ayaa sidoo kale ku talinaya in xeebta Liido loo sameeyo qorshe casriyeyn iyo maalgashi oo la jaan qaadi jara hannaanka goobaha nasiinada ee caalamiga ah, ayadoo la abuurayo meelo gaar ah oo dalxiisayaasha loogu talagalay, la hagaajiyo marinada gelitaanka iyo ka bixitaanka, lana dhiirrigeliyo ganacsiyo waaweyn oo u qalma heerka muhiimadda ee aaggaas.
Ugu dambeyntii Liido waa hanti dabiici ah oo qiimo weyn u leh dalka, balse si ay u noqoto meel u qalanta magaca iyo iyo bilicda caasimadda, waxaa lama huraan ah in la helo maalgashi ballaaran, qorshe dhismeed oo nidaamsan iyo casriyeyn buuxda oo xoojisa soo jiidashada dalxiiska iyo dhaqaalaha dalka.