Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay xadgudubyada Israa’iil ee ka dhanka ah shuruucda caalamiga ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul uga hadlay xadgudubyada ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee wado maamulka Israa’iil, isaga oo sheegay in aamusnaanta beesha caalamka aysan ahayn xal, balse ay horseedi karto cawaaqib halis ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xadgudubyada lagu hayo shacab aan waxba galabsan ee Falastiin, oo ay ku jiraan dilal, barakicin qasab ah, iyo burburinta kaabeyaasha nololeed, ay yihiin falal si cad uga hor imanaya heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sharciga dagaalka.
“Aamusnaanta xadgudubyadan sharciga caalamiga ah waxay yeelan doontaa cawaaqib, waxaana waajib ah in beesha caalamku ka hadasho, tallaabo cadna ka qaaddo, si loo joojiyo dulmiga socda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ugu baaqay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah in ay kordhiyaan cadaadiska diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo lagu xakameynayo kuwa ku xadgudbaya shuruucda caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya, inkasta oo ay wajahayso caqabado amni iyo siyaasadeed, ay weli ka go’an tahay inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda bini’aadamka iyo xoojinta xeerarka sharciga caalamiga ah.