U bood dhigaalka

Ousmane Dembele oo ku guuleystey kubadda dahabiga ah ee Ballon D’or

Ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda kubadda cagta ee Paris St-Germain iyo xulka qaranka Faransiiska, Cusmane Dembele ayaa markiisi ugu horreysey ku guuleystey Banooniga Dahabka ah ee Ballon D’or.

Abaalmarintan oo sannad walba la guddoonsiiyo ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida, ayuu Dembele ku muteystay kaalintii uu ka qaatay in kooxdiisu hanato mid mooyee dhammaan koobabkii ay u tartantay sanadkii la soo dhaafay oo uu ugu dambeeyey horyaalka kooxaha Yurub ee EUFA Champions League.

Cusmane Dembele oo 28 sano jir ah ayaa abaalmarinta Ballon D’or oo uu bixiyo Wargeyska France Football waxaa lagu guddoonsiiyey xaflad ka dhacday magaalada Paris, ka dib markii uu ka foosay ciyaaryahan Lamine Yamal oo ka tirsan kooxdiisi hore Barcelona.

Waxaa xusid mudan in Dembele uu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay dhaliyey 35 gool, halka uu dhiibey 14 caawin 53 ciyaarood oo uu dheelay.