Ilaalinta Kursiga: Halbeegga Dhabta ah ee Siyaasadda Soomaaliya

Hordhac
Siyaasadda Soomaaliya waxaa si cad u hoggaamiya hal halbeeg oo keliya: ilaalinta kursiga. Halkii hoggaamintu ka ahaan lahayd adeeg bulsho iyo qorshe qaran oo waara, waxay isu rogtay dagaal joogto ah oo lagu ilaashado kursiga. Mabda’ iyo mowqif siyaasadeed midna kama muuqdaan, waxaana iska cad in kursiga laftiisu noqday hoggaamiyaha dhabta ah ee go’aamiya jihada siyaasadda dalka, taasi oo horseedday isla xisaabtan la’aan iyo in adeegyada bulshada Meesha ka baxaan isla markaana dhaxasho kalsooni darro bulshada ah iyo in dhalinta qaar tahriibaan, qaarna ku biiraan Argigixisada.
Mucaaradka Maanta, Muxaafidka Berri
Dhaqanka siyaasadda Soomaaliya wuxuu muujinayaa is-beddel joogto ah: mucaaradnimadu mararka badan waa sugitaan, halka muxaafidnimadu noqotay kursi la ilaaliyo. Dhacdooyinkii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee caasimadda Muqdisho ka dhacay ayaa si cad u sawiraya xaqiiqadan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab), oo hore loogu yiqiin hadal-adaygiisa, mucaaradnimadii uu kula kici jiray xukuumadda, iyo naaneysta “Duqii Miciyaha Lahaa”, ayaa si lama filaan ah uga baxay xisbigii mucaaradka ahaa ee Himilo Qaran, kuna biiray xisbiga talada haya ee JSP.
Tallaabadan ayaa su’aalo badan abuurtay, laakiin waxay astaan cad u noqotay sida siyaasadda Soomaaliya ugu wareegto danta shaqsiga ah halkii ay ku salaysnaan lahayd mabda’. Waa caddeyn kale oo ah in mucaaradnimadu aysan ahayn aragti siyaasadeed oo ku qotanta fikir iyo damqasho bulshadeed, balse ay tahay albaab kale oo kursiga lagu gaaro.
Saamaynta Xisbiyada: Uruurinta Awoodda iyo Burburka Mucaaradka
Ku biirista Mungaab ee JSP waxay daaha ka rogtay xeelado siyaasadeed oo iska soo horjeeda. Dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbigiisa JSP, waa istiraatiijiyad cad oo lagu kala jebinayo mucaaradka loona soo dhoweynayo cid kasta oo taageero keeni karta, xitaa haddii ay shalay ahaayeen dhaliileyaasha ugu waaweyn. Fariintu waa cadahay: kursiga iyo awoodda ayaa ka muhiimsan daacadnimada iyo mowqifka siyaasadeed.
Dhanka kale, ka bixitaanka Mungaab waxay dhabar-jab ku tahay Xisbiga Himilo Qaran iyo hoggaamiyihiisa Shariif Sheekh Axmed. Waxay lumisay siyaasi muuqaal leh oo saameyn ku lahaa caasimadda, waxayna sii xoojisay dhaliilaha sheegaya in xisbigu noqday hoy ay ku nagaadeen siyaasiin waayeel ah oo aan lahayn hal-abuur cusub. Tani waxay Madaxweyne Shariif ku qasbeysaa inuu wajaho loollan adag oo ah sidii uu dib ugu soo ceshan lahaa miisaankiisa mucaaradnimo.
Dhalinyarada iyo Kalsoonida Shacabka
Mid ka mid ah dhibanayaasha ugu waaweyn ee siyaasaddan kursi-ilaalinta ku dhisan waa dhalinyarada iyo kalsoonida shacabka. Go’aankii uu Mungaab xilalka kaga qaaday dhalinyaradii sumcadda lahayd ee JSP, ee laf-dhabarta u ahaa xisbiga, wuxuu abuuray caro iyo niyad jab. In kuraastooda lagu beddelo shakhsiyaad daacad u ah guddoomiyaha oo keliya waxay bulshada u dirtay fariin ah in siyaasadda aysan ku salaysnayn karti iyo adeeg, balse ay ku dhisan tahay daacadnimo shaqsiyeed oo kursiga lagu ilaashado. Tani waxay sii wiiqaysaa kalsoonida shacabka, gaar ahaan dhalinyarada, waxayna xoojineysaa aragtida ah in siyaasadda dalku tahay ciyaar aan dan guud laga lahayn.
In qof weliba meel cusub wax ka bilaabo ma awoodsiineyso hey’adaha dhisan, waxay abuureysa firaaq, cabsigelin shaqaalaha iyo isla xisaabtan la’aan, waxaana meesha ka baxeysa joogteynta shaqada.
Gunaanad
Socdaalka siyaasadeed ee Mungaab maaha dhacdo gooni u taagan, balse waa muraayad si dhab ah u muujinaysa wejiga siyaasadda Soomaaliya. Waxay caddaynaysaa in loollanka siyaasadeed aanu ahayn mid ku dhisan mabda’ iyo han kooxeed o oleh himillo iyo hiigsi la yaqaan, balse yahay mid mar walba dib u qaabeeya khariidadda siyaasadeed iyadoo lagu saleynayo heshiisyo gaaban iyo kursi-doon. Ugu dambayn, waxaa muuqata in siyaasadda Soomaaliya ay si buuxda u qabsatay dhaqanka kursi-ilaalinta, halkaas oo hadafka ugu weyn uu noqday sii joogista awoodda, iyadoo la hilmaamay dhismaha qaranka iyo u adeegidda bulshada oo ah sababta asalka ah ee siyaasadda loo galo.