Miirqab La’aan Siyaasadeed mise Mas’uuliyad-darro Amni: Maxaynu ka Baranay Xiisaddii Caasimadda?

Mudo maalmo kooban oo xiisaddu ay kacsanayd usbuucii la soo dhaafay, waxaa jiray dareen ah in Muqdisho ay dib ugu laabanayso xilliyadii hore.
Muuqaalka siyaasiyiin ay hareero socdaan rag hubaysan, oo waddooyinka magaalada kula loollamaya ciidamada booliska, waa soo noolaanshaha siyaasadda loo yaqaano qoriga caaradiis , taas oo Soomaaliya sanado badan ku taamaysay inay aasto. Usbuucii hore, arrintani waxay abuurtay cabsi laga qabo in dib loogu noqdo mugdigii ay magaaladani dagaalka adag u gashay sidii ay uga bixi lahayd.
Xiisadahan rabshadaha watay waxay ka dhasheen tabasho bulshadeed. Banaanbaxyadii ka dhacay degmada Deyniile ee looga soo horjeeday dad shacab ah oo dowladdu ka rartay dhul dan guud ah ayaa ahaa dhimbilihii ugu horreeyay ee dabka huriyay. Laakiin fagaaraha siyaasadeed ee Muqdisho oo ah mid aan weli cagaha sbadan ku taagnayn, dhimbiluhu si degdeg ah ayay u helaan wax ay holciyaan. Markii uu baraha bulshada ku faafay muuqaal muujinaya ciidan si arxan darro ah u garaacaya oday waayeel ah, waxay arrintii noqotay sidii in dabka baasiin lagu sii shubay, waxayna cadhadii shacabka u rogtay xaabo ay shitaan mucaaradka oo heegan u ahaa fursad kasta oo ay cadaadiyaan dowladda.
Waxa xigay waxay ahaayeen in hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay ku jiraan madax hore, ay gaadiid dagaal iyo ciidamo hubaysan la tageen saldhigga Warta Nabadda, halkaas oo ay ku sugnaayeen taliyaha booliska Soomaaliyeed iyo kan gobolka Banaadir.
Go’aankaasi wuxuu ahaa mid ula kac ah oo halis badan.
Tallaabadani ma ahayn damqasho bulsho, waxayse ahayd miirqab la’aan siyaasadeed iyo mas’uuliyad-darro amni, iyadoo soo noolaynaysa dhaqankii xilliyadii hore ee ahaa in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin jiray tirada maleeshiyada.
Sheekada ay mucaaradku ka soo tebinayeen Hoteel Jazeera waxay ahayd mid ay dowladda ku eedaynayeen, laakiin xaqiiqdu waxay tahay inay doorteen in caqabadaha siyaasadeed lagu wajaho iska-hor-imaad hubaysan, iyagoo ku khamaaraya nolosha muwaadiniinta iyo xasilloonida caasimadda.
Tani waxay daaha ka rogtay in fikirka hubaysan weli yahay caqabad khatar ku ah xasilloonida Muqdisho oo ah magaalo weli ka soo kabanaysa qabyaalad, qaraxyo iyo qalalaase siyaasadeed. Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Liibaan Xaashi, oo ka tirsanaa ilaalada Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, ayaa waxay caddayn u tahay cawaaqibta murugada leh ee ka dhasha marka codka kaliya ee la maqlaa uu noqdo dhawaqa rasaasta.
Markii ay siyaasaddu fashilantay, odayaasha dhaqanka ayaa soo istaagay fagaaraha. Dadaallo ay hoggaaminayeen Imaamka, Ugaaska iyo Guddi Xildhibaanno ah oo matalayay Beelaha Hawiye, ayaa kulamo saacado badan socday oo habeenimo dhacay kadib lagu gaaray is-afgarad. Waxay ku guuleysteen inay xaaladda dejiyaan, mucaaradkiina wuxuu si kedis ah u baajiyay bannaanbixii ay ku dhawaaqeen. Go’aankaasi, inkastoo uu su’aalo ka keenayo istiraatiijiyadda aan habaysnayn ee mucaaradka, haddana wuxuu markhaati cad u yahay awoodda weli uu leeyahay dhaqanka Soomaaliyeed ee xalinta khilaafaadka.
Waa xusuusin in siyaasadda Soomaaliya aysan ku koobnayn xeerar iyo ciidan oo keliya, balse ay weli ku tiirsan tahay is-afgaradka iyo awoodda bulshada.
Dhacdooyinkan waxay si qoto-dheer uga tarjumayaan in qaangaarnimada siyaasadeed ee loo baahan yahay ay weli ka muuqan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya.
Xuqa dibadbaxu waa muqaddas, balse markay la socdaan hub iyo gaadiid dagaal, waxay isu beddeshaa handadaad toos ah oo ka dhan ah dimoqraadiyadda iyo xasilloonida.
Gaar ahaan caasimad kasoo kabanaysa colaado qoto dheer, oo qorigu ka ahaa aaladda koowaad ee wadahadalka siyaasadda, xuquuqdani waxay la timaaddaa mas’uuliyad culus. Dhanka kale, Dowladda, waxay qaaday tallaabo muujinaysa bisayl hay’adeed oo soo kobcaya markii ay si degdeg ah u xirtay askartii lagu eedeeyay falkii arxan darrada ahaa.
Tani waxay ahayd calaamad yididiilo, balse dhacdadan maysan ahayn wax caadiyan laga filan karo hay’adaha dowladeed ee loo igmaday ilaalinta badqabka shacabka.
Dhacdooyinkii usbuucii la soo dhaafay waxay ahaayeen imtixaan adag oo kashifay daldaloolyo halis ah oo ku jira aasaaska siyaasadeed ee dalka.
Iska-hor-imaadyada guduhu waxay halis ugu jiraan inay meesha ka saaraan halgankii iyo nafhurnimadii sanadaha badan, iyagoo fursad qaali ah siinaya kooxaha xagjirka ah.
Sidaa darteed, maskax deggan iyo is-afgarad qaran oo dhab ah ayaa ah waddada kaliya ee looga hortegi karo qalalaase siyaasadeed oo soo noqda, lagu sugi karo guulaha amni ee la gaaray, lagulana sii noolayn karo geeddi-socodka dimoqraadiyadeed ee ka hanqaaday Soomaaliya.