U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo la hor geeyay nin lagu eedeeyay inuu ilmo yar god ku riday

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda eedeysane Cali Cabdi Sheikh Khadar (Dhegadish), kaasi oo lagu eedeeyay inuu ilmo yar ku riday god, kuna aasay, kadibna ka duubay muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada.

Warka ka soo baxay xaafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in markii Maxkamaddu ay ku qanacday caddeymaha hordhaca ah ee la horgeeyay, waxay xukuntay in eedeysanaha lagu hayo xabsi ku-meel-gaar ah inta baaritaanku socdo.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud waxa uu ku adkaynayaa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed in la xoojiyo dadaallada la xiriira ka hortagga dambiyada ka dhaca baraha bulshada, gaar ahaan kuwa liddi ku ah xuquuqda aasaasiga ah ee carruurta.

Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa sheegay in ilaalinta xuquuqda iyo karaamada carruurta Soomaaliyeed ay lama taabtaan tahay, asagoo digniin culus u diray cid kasta oo ku xadgudubta carruurta, wuxuuna intaa ku daray in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, laguna horgeyn doono Maxkamadaha awoodda u leh qofkii lagu helo fal nuucaas ah.