Israa’iil oo isgaarsiinta ka jartay dhawr markab oo gargaar u waday Qasa

Wararka naga soo gaaraya badda Mediterranean-ka ayaa sheegaya in markab ay leedahay Israa’iil uu fara-gelin ku sameeyay markabka Alma oo ka mid ah maraakiibta ka tirsan gargaarka sidda ee u socda Gaza.
Faragelintaas ayaa saameyn ku yeelatay dhammaan nidaamyadii isgaarsiinta iyo matoorka markabka, taasoo keentay inuu si ku-meelgaar ah u hakado.
Sidoo kale maraakiibka dagaalka Israa’iil ayaa farageliyay nidaamyada isgaarsiinta ee dhawr markab oo kale oo ka tirsan gaadiidka kolanyada ah ee doonaya inay jabiyaan godoominta Qasa, taasoo keentay in isgaarsiintii gudaha iyo dibadda ee maraakiibtaas la waayo.
Si kastaba ha ahaatee, maraakiibta Israa’iil ayaa markii dambe isaga baxay goobta, iyadoo aysan jirin wax iska horimaad toos ah oo dhex maray labada dhinac.
Dadka la socda kolanyada maraakiibta ah ee gargaarka wadda ayaa sheegay in, inkastoo ay jiraan carqalado noocan ah, haddana ay weli ka go’an tahay inay gaaraan xeebaha Gaza, iyaga oo xambaarsan gargaar bini’aadantinimo.