muxuu ka dhiganyahay isbaheysiga Cusub ee Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliya ?

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir heer sare ah oo ay ka qayb-galeen hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Puntland iyo xubno ka socday Madasha Samatabixinta Soomaaliya.
Shirkan oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyo wakiillo ka socday Madasha Samatabixinta oo ay ka mid yihiin Raysal Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Raysal Wasaarihii hore Saacid Shirdoon iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed ay wadajir u soo saareen hoggaamiyeyaashu waxay isla garteen in loo baahan yahay gole cusub oo loo bixiyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo ay ku mideysan yihiin Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta.
Golahan ayaa noqanaya madal mideynaysa mowqifka siyaasadeed ee dhinacyadan, islamarkaana ka shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa mustaqbal siyaasadeed oo lagula loolami karo villa Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale ay dhinacyadu ku ballameen in shir kale oo ballaaran oo lagu qabto gudaha Soomaaliya lagu dhammaystiro qaab-dhismeedka iyo howlaha Golaha Mustaqbalka.
Baaq guud oo ay soo jeediyeen ayay shacabka Soomaaliyeed ugu yeereen, in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo ilaalinta xasilloonida dalka, islamarkaana ay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara midnimada dalka.
Isbahaysigan cusubi wuxuu astaan u yahay isbedel siyaasadeed oo ku soo wajahan gudaha Soomaaliya, isagoo muujinaya abaabul cusub oo mucaarad ah oo doonaya inuu miisaan siyaasadeed yeesho, isla markaana uu cadaadis ku saaro dowladda dhexe si loo helo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Ugu dambeyn isbaheysigani wuxuu muujiyay in Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixintu ay doonayaan inay xoojiyaan iskaashi siyaasadeed oo cusub, taasoo saamayn weyn ku yeelan karta jihada siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xilliga kala guurka ee uu dalku marayo.