U bood dhigaalka

Maxaad ka ogtahay dagaalkii taariikhda madow ku reebay Mareykanka ee maanga oo kale ka dhacay Muqdisho?

Maanta oo kale, 3-dii bishii Oktoobar sanadkii 1993-kii  oo haatan 32 sano laga joogo waxaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka dhacay dagaalkii ugu dhiig daadashada badnaa ee dhex maray ciidamadii Mareykanka iyo xoogaggii USC ee uu hoggaaminayay Janeraal Maxamed Faarax Caydiid oo taageero xooggan ka helayay dadka Soomaaliyeed.

Hawlgalka dagaalkaas horseeday oo loogu magac daray Black Hawk Down ama Operation Gothic Serpent waxaa markii hore ujeeddadiisu ahayd in la qabto laba sarkaal oo ka tirsan saraakiisha sare ee Caydiid, balse wuxuu isu beddelay dagaal fool-ka-fool ah oo qaatay labo maalmood (3–4 Oktobar).

Gelinkii dambe ee 3-dii Oktoobar, ciidamada Mareykanka oo taageero ka helayay diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa gudaha u galay bartamaha Muqdisho, gaar ahaan agagaarka suuqa Bakaaraha iyo Hotel Olympic, howlgalka yoolkiisuna wuxuu in lagu qabto hogaamiyeyaasha USA oo la filayay inay ku suganyihiin guri ku yaalla degmada howl-wadaag, balse waxaa si degdeg ah uga falceliyay dadweynaha Soomaaliyeed iyo ciidamada USC, kuwaas oo dagaal culus waddooyinka magaalada kula galay militariga Mareykanka oo hoggaaminayay howlgalkii Restore Hope.

Intii uu socday iska hor imaadkaas, laba diyaaradood oo nuuca qumaatiga u kaca ah ayaa la soo riday oo dhulka ku dhacay, waxayna arintaasi horseeday in ciidamadii saarnaa oo Mareykanka ahaa laga dhigay wax la diley oo meydadkooda jidadka lagu jiiday iyo qaar nolosha lagu qabtay, balse markii dambe wada-xaajood lagu sii daayay.

Dagaalkii wuxuu socday ilaa habeenkii, wuxuuna saameeyay xaafado badan oo magaalada ka mid ah, waxaana ku dhintay 18 askari oo Mareykan ah, halka qiyaastii 80 kalena la sheegay inay ku dhaawacmeen, balse dhinaca Soomaalida waxaa ka geeriyooday dad lagu qayaasay 300 oo qof, ayadoo dhaawacyaduna ay gaareen 500 oo kale.

Dhacdadii 3-da Oktoobar 1993 waxay si weyn u beddeshay siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya, waxaana markii dambe laga sameeyay film soo baxay sanadkii 2001-dii, balse dhanka dadka Soomaaliyeed waxaa weli nool dadkii dagaalkaas goobjoogga u ahaa oo si feecan u xusuusta musiibadii maalintaas Muqdisho ka dhacday.