Tiirkii Dhaqanka oo LulanayaAf-Soomaaliga oo Halis ku jira: Qaran Codkiisii Luminaaya

Geeska Afrika oo ah gobol ay ku badan yihiin dalalka ay dadkoodu ku hadlaan afafka kala duwan, Soomaaliya waxay kaga duwan tahay inay leedahay hal luuqad oo mideysa—Af-Soomaaliga.
Tilmaantan gaarka ah waxay qaranka ku xirtaa hiddaha suugaanta-hadalka ah, maansada, iyo sooyaalka guud, hase yeeshee, waxaa muuqata in madaxdii loo igmaday inay dhawraan aqoonsiga qaran iyo afka, oo ah keydka dhaqanka ummadda, ay si isa soo taraysa ugu tiirsan yihiin afaf qalaad, taas oo halis weyn gelinaysa mustaqbalka Af-Soomaaliga.
Marka Hoggaanku Hormuud u Noqdo Dayaca
Dhacdooyinkii ugu dambeeyay waxay kashifayaan hab-dhaqan walaac leh oo ka dhex jira madaxda Soomaalida, iyadoo mas’uuliyiinta sarsare ay si isdaba-joog ah ugu ololeynayaan in Afafka qalaad loo adeegsado khudbadaha rasmiga ah, kuwa gobolka, xitaa cilmi barista iyohal-abuurka.
Tani maaha doorbidid shakhsi ah, balse waa isbeddel hay’adeed oo muujinaya ka fogaansho lagu hayo udub-dhexaadkii afka ee qaranka; af hodan ah oo ummadda u ah keyd ay ku jiraan dhaqan, hidde, taariikh, iyo suugaan fac weyn.
Tusaalaha ugu awoodda badan waa khudbaddii Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Isagoo ka hadlayay madal looga doodayay afka Carabiga, wuxuu soo bandhigay aragti ah in Af-Carabigu noqdo luuqadda horumarka Soomaaliya, isagoo yiri: “Waxa kale oo aan rabnaa inaan xoojino kaalintiisa sidii luuqad loogu adeegsado cilmi-baarista, hal-abuurka iyo curinta, oo aysan u noqonin luqad ku kooban buugaagta oo keliya.”
Siyaasaddan waxaa sii xoojiyay shirweynihii Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Muqdisho. Halkaas, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu faray hay’adda tacliinta sare ee dalka: “Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed… waa inay xoog badan geliso horumarinta luuqada Sawaaxiliga, oo ah luuqada Bariga Afrika.”
Waxaa iyana la yaab noqotay hadalkii Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo sheegay inuu jeclaan lahaa inuu arko dad ka badan oo ku hadla Af-Sawaaxili shirka xiga.
In mas’uulkii dhawrista hiddaha Soomaaliyeed uu u ololeeyo horumarinta af kale, waxay muujinaysaa in Af-Soomaaligu uu wajahayo halis aan la dhayalsan karin.
Ololahan ku socda heerka sare wuxuu Af-Soomaaliga ka dhigayaa mid heerka labaad ka gala gudaha dalka. Marka luuqadda cilmi baarista iyo hal-abuurka si rasmi ah loogu magacaabo Sawaaxili ama Carabi, waxaa si dadban loo qeexayaa in Af-Soomaaligu aanu u qalmin ujeeddooyinkan casriga ah, taasina maaha arrin af keliya—waa qalalaase madax-bannaani qaran iyo dhaqan-guur.
Inkastoo farta Soomaaliga la qoray 50 sano ka hor, haddana maanta looma adeegsado inta badan qoraallada rasmiga ah ee ka soo baxa xafiisyada dowladda, manhajka waxbarashada, iyo eray-bixinta teknoolojiyadda casriga ah.
Waxaa sidoo kale ku sii milmaya erayo dool ah oo meesha ka saaraya kuwii asalka ahaa. Xeeldheereyaasha afafka ayaa saadaalinaya in 10-ka sano ee soo socda ay meesha ka bixi doonaan boqolaal eray, taas oo horseedi doonta in jiilasha soo socdaa ay ka fogaadaan adeegsiga saxda ah ee afka.
.
Awooddan hay’adeed ee loo weecinayo luuqadaha qalaad waxay imaanaysaa xilli uu afkeennu u baahan yahay maalgashi gudaha ah, Su’aashu waxay tahay, maxaynu khayraadkeenna ugu bixinaynaa hormurinta afaf qalaad, halkii aan teennii ku horumarin lahayn?
Badbaadada afkeennu waxay u baahan tahay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah.
Ugu horreyn, waa in la dejiyaa Siyaasad Qaran oo Midaynaysa Afka. Dawladdu waa inay horseeddaa dadaal lagu abuurayo hal qaab-qoraal oo rasmi ah, kaas oo lagu hirgeliyo dhammaan hay’adaha dawladda iyo manhajyada waxbarashada ee dalka oo dhan.
Tani waxay u baahan tahay maalgashi laxaad leh oo lagu sameeyo lahjadaha kala duwan, gaar ahaan Af-Maayga, si loo helo af qura oo loo wada dhan yahay.
Marka xigta, waa in aragtida madaxda dib loo haneeyo oo Af-Soomaaliga laga dhigaa luuqadda hal-abuurka iyo aqoonta.
Waa in jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baarista lagu maalgeliyaa sidii ay u noqon lahaayeen xudunta hal-abuurka Af-Soomaaliga, ayna soo saari lahaayeen cilmi-baarisyo iyo aqoon casri ah oo afkeenna ku qoran. Sidoo kale, waa in la dhiirrigeliyaa in aqoonta caalamiga ah lagu soo turjumo Af-Soomaali.
Dhanka bulshada, waa in la abuuraa barnaamijyo adag oo Af-Soomaali ah si carruurta qurba-joogta looga caawiyo la qabsiga afkooda hooyo, si aysan marti ugu noqon dalkooda. Ugu dambayn, halkii aan soo dhoofsan lahayn luuqado shisheeye, waa inaan siyaasaddeenna arrimaha dibadda ku darnaa inaan kor u qaadno oo aan u doodno kaalinta gaarka ah ee Af-Soomaaligu ku leeyahay gobolka iyo caalamka.
Gunaanad
Afku maaha oo kaliya qalab lagu wada xiriiro; waa weelka ay ku jiraan taatrikh, xusuusta, iyo aqoonsiga ummadeed. Haddii Soomaaliya ay sii hayso jidkan—iyadoo hormarinaysa luuqado qalaad, ayna dayacayso baahiyaha asaasiga ah ee afkeeda—waxaa laga yaabaa inay aragto iyada oo lagu maamulayo laguna hal-abuurayo afaf qalaad, halka afkeedii hooyo uu noqdo mid ku eg xafladaha.
Waa waajib saaran dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka hortagaan isbeddelkan, mana aha mid la xiriira hilow hore, balse waa badbaadada udub-dhexaadka dhaqanka iyo jiritaanka qaranka.
Codka hooyada ee heesaha carruureed ku luuqaynaysa, sheekooyinka ayeeyo ee casharada nolosha xambaarsan, iyo maansada abwaanka ee dareenkaaga kicinaysa—dhammaantood waxay ku nool yihiin hal meel: Af-Soomaaliga.