U bood dhigaalka

Xuska maalinta Calanka iyo qodobo muhiim ah oo la xariira

12-ka bisha Oktoobar waa maalin ku weyn dadka iyo qaranka Soomaaliyeed, waxaana loo dabbaal-degaaa maalinta calanka Soomaaliyeed, oo ku beegan 12-ka Oktoobar, waxaana calanka baluugga ah ee Jamhuuriyadda la sameeyay taariikhdu markii ay ahayd 12-ka Oktoobar, sanadkii 1954 oo haatan laga joogo 71 sano.

Maalintan oo ah mid ku weyn taariikhda dalka, waxaa dib laysku xasuusiyaa qiimaha midnimada, halgankii gobannimo-doonka, iyo dhiiggii ay shacabka Soomaaliyeed u hureen dhismaha dowladnimada iyo madax-bannaanida.

Calanka Soomaaliyeed oo ah astaanta mideysa ummadda, waxaa sameeyay Allaha u naxariistee Maxamed Awaale Liiban, kaas oo hindisay naqshadda calanka intii lagu guda jiray tartan lagu raadinayay astaan qaran oo mideysa dalka.

Midabka buluugga ah ee calanka ayaa astaan u ah cirka iyo badaha ku hareeraysan dhulka Soomaaliyeed, halka xidigta cad ee dhexe ay matasho shanta Soomaaliyeed, Soomaaliya  oo ka koobangobolladaKoonfureed iyo kuwaWaqooyi, NFD oo ah dhulka Soomaaliyeed  ee hoostaga Kenya, Soomaali gqlbeed iyo Jabuuti.

Markii calanka la samaynayay waxaa socday halgan gobanimo doon ah oo la doonayay in dhammaan dhulka Soomaaliyeed gacanta gumaeysteyaasha looga saaro, islamarkaana lagu mideeyo hal calan iyo hal qaran oo xoog leh.

Muddo 71 sano ah kadib taariikhdaas, calanka buluugga ah weli waa astaanta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna u taagan yahay qiyamka sharafka, xorriyadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

inkastoo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo maamul goboleedyo leh calamadooda u gaar ah, haddana calanka qaranku wuxuu sii ahaanayaa astaanta keliya ee mideysa bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba.

Si kastaba ha ahaatee, dib u dhiska qarannimada kadib burburkii dowladnimada 1991 ayaa keenay caqabado badan oo la xiriira ilaalinta astaamaha qaranka, maamul goboleedyada sida Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Somaliland oo isku sheegta dowlad madax-bannaani ayaa leh calamado gaar ah, taas oo sababtay in mararka qaar calanka qaran uu hoos u dhaco maamuus ahaan.

Arrintani waxay muujineysaa kala qaybsanaan siyaasadeed iyo maskaxeed, hoos u dhac ku yimid fahamka midnimada qaran, iyo jiil cusub oo aan xiriir adag la lahayn calaamadaha qarannimada.

Dhalinyarada maanta ayaa calanka badanaa u adeegsata baraha bulshada si muuqaal ahaan, balse aqoonta ku saabsan taariikhda iyo qiimaha uu xambaarsan yahay ayaa weli kooban, Sidaa darteed, culimada, macallimiinta iyo warbaahinta ayaa ku baaqaya in la xoojiyo barnaamijyo wacyigelin ah oo lagu barayo jiilka cusub taariikhda calanka, macnihiisa, iyo doorka uu ku leeyahay ilaalinta nabadda iyo midnimada qaranka.

Calanka Soomaaliyeed waa astaan aan ahayn muuqaal la sawiro oo keliya, balse waa mas’uuliyad waddaniyeed oo qof kasta laga rabo inuu difaaco, dhowro, isla markaana ku dhaqmo qiyamka uu matalo, Dowladda, bulshada rayidka ah, iyo hay’adaha warbaahinta ayaana looga baahan yahay inay kaalin muuqata ka qaataan kor u qaadista qiimaha calanka iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed.

Xuska maanta ee calanka Soomaaliyeed waa maalin dib-u-milicsi iyo dhiirrigelin waddaniyadeed mudan, oo lagu xasuusto halgankii, geesinimadii, iyo dadaalkii lagu dhisay qaranka. Waa maalin lagu xoojinayo wacyiga dhalinyarada, lagu adkaynayo fahamka qaranimada, iyo lagu dardargelinayo ruuxda midnimada ee dadka Soomaaliyeed.

“Calanka ma aha mid la dhigo oo keliya astaan ahaan loo weyneeyo, balse waa mid mar walba la haysto, la difaaco, magiciisa wax walba loo huro,
Calanka waa wada-dhaqan, waa wada-halgan, waana nolosha qaranka Soomaaliyeed.”