U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaaliya waxay dooratay iskaashi amni iyo dhaqaale oo ku dhisan runta iyo daacadnimada Mareykanka”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi gaar ah siiyay telefishinka Newsmax ee fadhigiisu yahay dalka Maraykanka, kaas oo uu qaaday wariyaha caanka ah Ed Henry.

Doodda wareysigan oo ahayd mid si qoto dheer u taabanaysay arrimaha siyaasadda dibadda iyo amniga, ayaa diiradda saartay saddex qodob oo muhiim ah: siyaasaddii Madaxweyne Trump ee arrimaha caalamka, kaalinta Mareykanka ee la-dagaallanka argagixisada Soomaaliya, iyo xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya la leedahay Shiinaha marka loo barbardhigo Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Trump waa hoggaamiye go’aan adag leh”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysiga ku tilmaamay Madaxweyne Donald Trump “hoggaamiye go’aan qaadasho adag leh”, isagoo xusay in ficilladiisu ay saameyn muuqata ku yeesheen dagaalka caalamka lagula jiro kooxaha argagixisada.

“Markan aad ayay u gaar tahay sababtoo ah Madaxweyne Trump wuxuu caddeeyay inuu yahay hoggaamiye go’aan qaadasho adag leh oo go’aaminaya tillaabooyinka lagama maarmaanka ah ee loo qaadayo si loo wiiqo oo looga adkaado kooxaha argagixisada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray in Bariga Dhexe maanta ay ka jirto “rajo nabadeed oo ka badan sidii hore,” taasoo uu ku sababeeyay hoggaanka adag ee Madaxweyne Trump iyo siyaasaddiisa ku dhisan natiijo la taaban karo.
Hadalkan ayaa loo fasiray in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si dadban ugu muujiyay taageero siyaasadeed iyo ammaan diblomaasiyadeed hoggaanka Trump, isagoo tilmaamay in qaabka adag ee uu u wajahay arrimaha amniga iyo argagixisada uu horseeday isbeddel weyn oo amni iyo nabadeyn ah.

Taageerada Mareykanka ee Soomaaliya: “Halista argagixisada waa la hoos dhigay”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in xilligii maamulka Trump, taageerada Mareykanka ee la-dagaallanka argagixisada ay ahayd mid “aad wax ku ool u ah,” isla markaana ay keentay in halista argagixisadu hoos u dhacdo, iyadoo gaartay heerkii ugu hooseeyay muddo ku dhow 18 sano.
“Heerka halista ay argagixisadu ku hayeen Soomaaliya wuxuu hoos u dhacay oo gaaray meeshii ugu hooseysay muddo 18 sano ah,” ayuu yiri Madaxweynaha.

“Ciidamada Mareykanka waxay tababaraan ciidamada amniga Soomaaliya, waxayna kula taliyaan goobaha dagaalka, sidoo kalena waxay siiyaan taageerada lagama maarmaanka ah… Tani waxay haatan argagixisada ka dhigaysaa kuwo daciif ah gudaha Soomaaliya.”

Hadalka Madaxweynaha ayaa ka tarjumaya in dowladda Soomaaliya ay weli u aragto iskaashiga amniga iyo sirdoonka ee Mareykanka mid lama huraan u ah nabadgelyada gudaha, iyadoo la ogyahay in ciidamada Mareykanka ay qeyb muhiim ah ka qaataan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ISIS–Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, khubaro amni ayaa ku doodaya in hoos u dhaca halista argagixisada uu weli ku xiran yahay joogitaanka ciidamada shisheeye iyo taageerada tooska ah ee Mareykanka, taas oo keentay dood ku saabsan madax-bannaanida amniga Soomaaliya.

Xiriirka Dhaqaale: “Ma jiro maalgashi Shiine ah oo Soomaaliya ka socda”
Markii la weydiiyay su’aal ku saabsan saameynta sii kordheysa ee Shiinaha ee Afrika, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu si toos ah u sheegay in Soomaaliya aysan maanta lahayn maalgashi Shiine ah, isla markaana aysan jirin qorshe dhow oo Beijing ku leedahay gudaha dalka.

“Hadda, waxaan rabaa inaan sheego oo kaliya inuusan jirin maalgashi Shiinuhu ku leeyahay Soomaaliya maanta, mana jiro maalgashi Shiine ah oo soo socda,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay hadda martigelisay kulamo ganacsi oo Mareykan ah, kuwaas oo ay ka qeyb galeen in ka badan labaatan shirkadood oo ka socda dalka Mareykanka.

“Waxaa jira maalgashi badan oo Mareykan ah oo socda… waxaan Soomaaliya ku yeelanay kulan saddex maalmood ah oo ay yeesheen ganacsato Mareykan ah, in ka badan laba darsin oo shirkado ganacsi oo Mareykan ah ayaa halkan yimid Soomaaliya.”