Wasaaradda Waxbarashada oo Dib u Qaadaysa Imtixaankii Dugsiga Sare ee Luuq
Muqdisho – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dib loo qaadayo imtixaankii fasalka 4-aad ee Dugsiga Sare ee degmada Luuq, kadib markii la baabi’iyay natiijadii hore ee imtixaankaas sababo farsamo iyo shaki ku saabsan hufnaantiisa awgeed.
Wasaaradda ayaa sheegtay in sidoo kale ardayda aanan galin imtixaankii hore sababo cudur-daar rasmi ah oo ay soo gudbiyeen islamarkaana ay aqbashay Wasaaraddu, ay iyaguna fursad u heli doonaan in ay dib u galaan imtixaanka cusub.
Taariikhda imtixaanka: Sabti, 18-ka Oktoobar 2025
Ardayda degmada Luuq – waxay imtixaanka ku gali doonaan degmadaas.
Ardayda ka baaqday imtixaankii hore – waxay imtixaanka ku gali doonaan caasimadaha Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Wasaaraddu waxay ku boorrisay ardayda iyo waalidiintooda inay si wanaagsan isugu diyaariyaan imtixaanka, iyadoo xaqiijisay in la hubin doono hufnaanta iyo daahfurnaanta habka imtixaanka.