Dib u milicso taariikhda 21-kii Oktoobar iyo afgembigii dhacay 1969-kii

Maanta oo kale 21-kii bishii Oktoobar sanadkii 1969-kii waxaa dalka ka dhacay mid kamid ah afgembiyadii ugu saameyn badnaa qaaradda Afrika, wuxuuna afgembigaasi dhacay 6 maalmood ka dib markii magaalada Laascaanood lagu diley Madaxweynihii ay dadweyne doorteen Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
Dilka Madaxweynaha ka dib masuuliyiintii dowladda iyo hoggaankii baarlamaanku waxay isku mari-waayeen cidda talada sii-haynaysa iyo tillaabada xigta ee la qaadayo, taas oo sababtay in ciidamadu ay helaan fursad ay xukunka kula wareegaan, inkastoo dadka waaya-joogga ah qaarkood ay sheegeen in qorshaha inqilaabku uu ka horreeyay dilka Madaxweynaha.
Af-gembiga oo ay hoggaaminayeen 25 sargaal oo isugu jira militari iyo boolis ayaa markii uu dhacay waxaa la xiray dhammaan goobaha dalka laga soo galo sida xudduudaha, garoomada diyaaradaha, iyo dekedaha, ayadoo xabsiga loo taxaabay masuuliyiintii dowladda iyo siyaasiyiin ay ku jiraan Madaxweynihii hore Aadan Cabdulle Cismaan.
Sidoo kale waxaa la dalka la galiyay bandow lagu mamnuucay in xilliyada qaar la socdo ama laba qof ka badani ay israacaan, waxayna saraakiisha inqilaabku ku dhawaaqeen in la baabi’iyay dastuurkii dalka.
Dadweynaha oo aad uga niyad-jabsanaa musuqmaasuq iyo maamul xumo laga tirsanayay dowladdii rayidka ahayd ayaa afgembiga ciidanka si weyn u soo dhoweeyay, maalmo yar ka dibna waxaa lagu dhawaaqay golaha sare ee kacaanka oo uu madax ama xog haye guud u noqday taliyihii ciidanka sarreeye gaas Muxamed Siyaad Barre.
Bilowgii xukunkooda ciidamadu waxay ku tillaabsadeen waxqabad aan caadi ahayn, ayadoo la qarameeyay shirkadihii iyo warshadihii dalka, nadaamka hanti-wadaagga ayay dalka ka hirgaliyeen, waxayna sameeyeen mashaariic waaweyn oo dhaqaalaha iyo wax soo saarka gudaha si weyn u kordhiyay.
Sidoo kale waxaa si weyn loo qaabeeyay ciidamada qalabka sida, waxbarashada ayaa aad kor loogu qaaday, ayadoo far-soomaaliga la qoray, dowladdu ay fulisay barnaamijkii ololaha reer miyiga oo si weyn loogu wiiqay jahligii iyo wax akhris-qoris la’aantii, ayadoo waxbarasho ilaa jaamacad la’aan laga dhigay.
1976-kii dowladdu waxay ku dhawaaqday in dalku uu gaaray isku filnaasho dhan walba ah, balse sanad ka dalku wuxuu galay dagaalkii 77 ee Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo billowgii hore Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka gaartay, hayeeshee markii dambe Addis Ababa waxay heshay xulufo caalami ah, halka Muqdisho ay siyaasadda ahaan u guul-darraysatay.
Dhammaadkii dagaalkaas ka dib dalka waxaa ka billowday dhacdooyin aan la mahdin oo ay ku jiraan curashada jabhado, kala fur-furasho maamul iyo hoos u dhac dhaqaale, kuwaas oo ugu dambayn horseeday burbur 34 ka badan laga soo kaban la’yahay.
Burburkii dowladda kacaanka sababaha dhaliyay dadka qaar waxay ku sheegaan caddaalad-darro maamul, kuwo kale waxay sheegaan in waqtiga dheer ee xukunku uu horseeday mucaaradnimo iyo gadood dadweyne, balse waxaa laysku raacsanyahay in guul-darradii dagaalkii 77 iyo dhaqaalaha oo si weyn u wiiqmay ay dhibaatooyinka ugu waaweyn ahaayeen.