U bood dhigaalka

59 Qof oo Ku Dhintay Duqeymo Israa’iil ay Ka Fulisay Qasa

Wararka ka imanaya marinka Qasa ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 59 qof oo ay jiraan 22 carruur ah ay dhinteen, kadib duqeymo culus oo Israa’iil ay ku qaadday guryo iyo teendhooyin ay deganaayeen dad barakacayaal ahi.

Goobjoogayaal iyo saraakiil caafimaad ayaa sheegay in duqeymuhu ay ka dhaceen xaafado ay dadku u qaxeen kadib dagaallo hore, taasoo sababtay khasaaro baaxad leh oo bani’aadanimo.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay boqollaal gaarayaan, isla markaana qaar badan oo kamid ah ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha. Waxaa sidoo kale la sheegay in isbitaallada Gaza ay aad ugu daaleen tirada badan ee dadka la keenayo, iyadoo qalab iyo daawooyin ay gabaabsi yihiin.

Israa’iil wali kama aysan hadlin weerarkan cusub, balse afhayeenka ciidamada ayaa hore u sheegay in bartilmaameedyada duqeymaha ay yihiin goobo ay ka howlgalaan kooxaha hubeysan.

Si kastaba, ururrada xuquuqda aadanaha ayaa weerarradan ku tilmaamay mid lagu beegsanayo dadka rayidka ah, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, taas oo ay sheegeen inay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Weerarkan ayaa imaanaya maalmo yar ka dib markii la saxiixay heshiiskii sharma Shiikh ee lagu soo afjaray gumaadkii labada sano ka socday Qasa, waxaana muuqanaysa in Israa’iil ay jabisay heshiiskaas.