U bood dhigaalka

Afrika oo La Daalaa Dhacaysa Colaadaha Ugu Badan Caalamka – In ka badan 45 Milyan oo Qof oo Barakacay

Warbixin cusub oo ay daabacday Al Jazeera qaybteeda “By the Numbers” ayaa shaacisay in Afrika ay hadda noqotay xarunta ugu weyn ee colaadaha caalamka, iyadoo qaaraddu martigelinayso in ka badan 50 dagaal oo hubeysan.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Afrika ay hadda tahay meesha 40% dagaallada adduunka ka socda ay ka holcayaan, taasoo sababtay barakacii ugu weynaa ee caalamka – in ka badan 45 milyan oo qof ayaa ku khasbanaaday inay guryahoodii ka cararaan.

Sida ay sheegtay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), tirada colaadaha Afrika ayaa korodhay 45% tan iyo 2020-kii, iyadoo dagaalladaas ay ka dhashaan isku dhac  dhaqaale, deegaan, iyo siyaasad adag oo abuuranta “wareeg dagaaleed aan dhammaad lahayn.”

Shan Sababood oo Dagaallada Afrika Kiciya

Warbixintu waxay xustay shan arrimood oo isku xidhan oo sababay in Afrika ay noqoto goobta ugu xasillooni darran caalamka:

  1. Kheyraadka Dabiiciga ah ee Faraha badan:
    Afrika waxay leedahay ilaa 30% macdanta muhiimka ah ee dunida sida cobalt, lithium, iyo rare earth minerals oo qiimahoodu gaarayo $265 bilyan. Hase yeeshee, hantidan ayaa noqotay sababta dagaallada loogu loolamo maamulkeeda.
  2. Faqri iyo Shaqo la’aan:
    Inkasta oo Afrika ay hodan ku tahay kheyraad, malaayiin qof ayaa ku nool saboolnimo. Dhalinyarada tirada badan ee aan shaqo haysan ayaa si fudud ugu biira kooxaha hubeysan.
  3. Dhalinyaro La Qoray:
    Qaaradda Afrika waa tan ugu da’da yar adduunka (celcelis ahaan 19.3 sano). Tani waxay si sahlan u siisay kooxaha hubeysan fursad ay ku qoraan dhalinyaro niyad-jabsan.
  4. Isbeddelka Cimilada:
    Cimilada is beddeleysa ayaa keentay tartan ka dhaxeeya dadka ku nool dhul iyo biyo yaraaday. Harada Chad, oo ay wadaagaan afar dal (Cameroon, Chad, Niger iyo Nigeria), ayaa yaraatay 90% tan iyo 1960-meeyadii, taasoo kor u qaadday dhaqdhaqaaqa kooxaha sida Boko Haram.
  5. Musuq iyo Faragelin Dibadeed:
    Arrimaha siyaasadeed ee sida joogtada ah u taagan, sida musuqmaasuqa iyo faragelinta shisheeye, ayaa sii hurinaya colaadaha iyo hubeynta maleeshiyaadka.

Saameynta Aadanaha: Barakac Caalami ah oo Aad u Xun

Colaadaha ka jira qaaradda ayaa sababay barakac ka badan 45 milyan oo qof, taasoo ka dhigan 36% dadka barakacay ee caalamka. Sida laga soo xigtay UNHCR, 3% dadka Afrika ku nool ayaa hadda ah qaxooti ama magangelyo doon.

Kiirisaska ugu daran waxaa ka mid ah:

  • Suudaan: Waxaa hadda loo aqoonsaday “Barakaca ugu weyn adduunka.” Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa RSF ayaa barakiciyay in ka badan 14 milyan oo qof tan iyo 2023, oo 52% ka mid ah yihiin carruur.
  • Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC): Dagaalka kooxda M23 ee bariga hodanka ku ah macdanta ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 7,000 qof iyo barakaca 7.4 milyan oo qof.
  • Soomaaliya: Ka dib 16 sano oo dagaal lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaa barakacay 4.2 milyan oo Soomaali ah, taasoo ka dhigan in ku dhowaad hal qof afartii qofba uu yahay barakacayaal, 46% ka mid ahna ay carruur yihiin.

Arrinta ugu murugada badan ayaa ah in toddoba dal oo ka mid ah toban dal ee martigeliya qaxootiga ugu badan caalamka – sida Suudaan, Chad, DRC, iyo Itoobiya – ay iyaguba ku jiraan dagaal, taas oo micnaheedu yahay in malaayiin qof ay “hal dagaal uga cararayaan dagaal kale.”

Caalamka oo Ka Aamusay

Iyadoo hal qof shantii Afrikaan ah uu hadda u baahan yahay gargaar bani’aadannimo, haddana deeqaha caalamka ayaa si weyn hoos ugu dhacay.

Sanadkii 2024, codsiyada gargaarka bani’aadannimo ee Afrika ayaa la maalgeliyay oo keliya 40%, halka dalalka deeq bixiya sida Mareykanka iyo qaar ka mid ah wadamada Yurub ay dhimeen kaalintoodii.