U bood dhigaalka

Waa kuwee madaxda ugu muddada dheer xukunka qaaradda madow?

Xukunka kaligii-talisnimada, awood maroorsiga, ku-shubashada doorashooyinka, iyo isla-xisaabtan la’aanta waa dabeecado aan ceeb laga dhigin dalal badan oo Afrika ah.

Waxaana aad u yar waddamada dimuquraad ahaan u kala baxa doorasho xor iyo xalaal ah.

Muddo nus qarni, rubuc qarni, iyo sannado badan ayaa qaar ka mid ah madaxda Afrika ku sii fadhinayaan kursiga awoodda, iyagoo aan cid kale la wadaagin hoggaanka dalalkooda. Haddaba, waa kuwee madaxda ugu muddada dheer xukunka ku jira qaaradda madow?

🇬🇶 1. Teodoro Obiang Nguema Mbasogo – Equatorial Guinea

Da’da: 83 jir

Dhashay: 5 Juun 1942

Xukunka la wareegay: 3 Agoosto 1979

Muddo uu xukunka hayay: 46 sano

Teodoro Obiang waa ninka ugu muddada dheer ee xilka haya Afrika. Wuxuu xukunka ku qabsaday afgambi uu ku riday adeerkiis Francisco Macías Nguema. Tan iyo markaas, dhammaan doorashooyinkii dalkaas ka dhacay (1989, 1996, 2002, 2009, 2016, iyo 2022) wuxuu ahaa musharraxa kaliya ee la oggol yahay. Doorasho xor ah laguma arag, waxaana loo arkaa Aabbaha kaligii-talisnimada Afrika.

🇨🇲 2. Paul Biya – Cameroon

Da’da: 92 jir

Dhashay: 1933

Xukunka la wareegay: 6 Nofeembar 1982

Muddo uu xukunka hayay: 43 sano

Paul Biya wuxuu xilka la wareegay markii uu is-casilay madaxweynihii ka horreeyay, isagoo markaas ahaa ra’iisul wasaare. Muddo yar kadib, wuxuu beddelay dastuurka dalka, isagoo meesha ka saaray xadka tirada jeer ee madaxweyne laga noqon karo. Doorashooyinkii 1984 ilaa 2025 dhammaantood wuxuu ku guuleystay isaga oo aan lahayn tartan dhab ah.

🇺🇬 3. Yoweri Museveni – Uganda

Da’da: 81 jir

Dhashay: 1944

Xukunka la wareegay: 29 Janaayo 1986

Muddo uu xukunka hayay: 39 sano

Museveni wuxuu siyaasadda ku soo galay dhinaca jabhadeynta iyo ciidanka, isagoo afgambi ku qabsaday xukunka. Tan iyo markaas, doorashooyinka dalkaas waa kuwo aan lahayn tartan dhab ah. Wuxuu hadda mar kale u sharaxan yahay xilka madaxweynaha doorashada Janaayo 2026.

🇪🇷 4. Isaias Afwerki – Eritrea

Xukunka la wareegay: 1993

Muddo uu xukunka hayay: 32 sano

Isaias Afwerki waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Eritrea, wuxuuna hoggaamiyay halgankii xorriyadda ee ka dhanka ahaa Itoobiya. Tan iyo markii dalkaasi xor noqday 1993, isagaa hayay xukunka — doorasho ma dhicin ilaa maanta.

🇨🇬 5. Denis Sassou Nguesso – Republic of Congo

Xukunka la wareegay: 1997

Muddo uu xukunka hayay: 28 sano

Nguesso wuxuu mar hore xukunka hayay 1979 ilaa 1992, kadibna dib ayuu ugu soo laabtay awoodda 1997. Tan iyo markaas, wuxuu si joogto ah u maamulaa dalka isagoo xadiday xorriyadda siyaasadeed iyo doorashooyinka mucaaradka.

🇩🇯 6. Ismaaciil Cumar Geelle – Jabuuti

Xukunka la wareegay: 1999

Muddo uu xukunka hayay: 26 sano

Ismaaciil Cumar Geelle waa madaxweynaha 6-aad ee ugu muddada dheer Afrika. Tan iyo 1999, dhammaan doorashooyinka Jabuuti wuu ku guuleystay, isagoo dhowaan mar kale u taagan xilka doorashada Abriil 2026. Todobaadkii la soo dhaafay, baarlamaanka Jabuuti ayaa meesha ka saaray qodob dastuur ah oo xadidayay da’da madaxweynaha — arrin u muuqata mid loogu gogol xaarayo sii haynta xukunka.

Afrika weli waxay wajahaysaa caqabado dimuquraadiyadeed oo xooggan. Inkastoo qaar ka mid ah dalalka ay horumar ku tallaabsadeen dhinaca doorashooyinka iyo xasilloonida siyaasadeed, haddana kaligii-talisnimadu weli waa cudur ku fiday qaar badan oo ka mid ah waddamada.

Dib-u-habeyn dhab ah, isla-xisaabtan, iyo doorashooyin hufan ayaa ah furaha keliya ee Afrika ku gaadhi karto mustaqbal dimuquraadi ah.