“Yaa difaaca run sheegayaasha marka runta lafteedu khatar noqoto?”
Su’aashan ayaa si xoog leh uga dhex yeertay hool ku yaalla Muqdisho, iyadoo suxufiyiin, diblomaasiyiin, iyo u doodayaal xuquuqda aadanaha ay isugu yimaadeen aqoon-is-weydaarsi hal maalin ah oo cinwaankiisu ahaa “Badbaadada Dijitaalka iyo Caddaaladda Jinsiga: Soo Afjaridda Ciqaabla’aanta Dembiyada ka Dhanka ah Suxufiyiinta.” Aqoon-is-weydaarsigan waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SOMWA), iyadoo taageero ka heshay UNESCO, waxaana lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee lagu Soo Afjarayo Ciqaabla’aanta Dambiyada ka Dhanka ah Suxufiyiinta, iyadoo lagu baaqay in la xoojiyo ilaalinta haweenka saxaafadda ee wajaha hanjabaado sii kordhaya — ha ahaadeen kuwo dijitaal ah ama jireed.
Furitaanka shirka, Agaasimaha Fulinta ee SOMWA, Maryan Seylac, ayaa kulanka ku furtay farriin xoog leh: “Weerarka lagu qaado suxufiyiintu waa weerar lagu qaaday runta, isla xisaabtanka, iyo xaqa shacabka u leeyahay inay ogaadaan xaqiiqda.” Seylac waxay xustay xaaladda adag ee haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in warbixintii ugu dambeysay ee SOMWA ay diiwaangelisay koror aad u weyn oo ku yimid aflagaadada iyo hanjabaadaha onlaynka ah ee lagu beegsado haweenka warfidiyeennada ah.
“Weeraradani waxa loogu talagalay in lagu aamusiiyo laguna tirtiro codadka haweenka ee goobaha bulshada,” ayay tiri, iyadoo ku dardaarantay in marka haweenka saxafiyiinta la aamusiiyo, dimuqraadiyaduna ay dhaawacanto. SOMWA waxay soo bandhigtay natiijooyin muujinaya in rabshadaha dijitaalka ah ee lagu hayo haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed ay yihiin kuwo baahsan, shakhsiyan ujeeddo leh – hanjabaado, aflagaado, iyo weerarro jinsiyeed oo inta badan lagu beegsado aqoonsigooda halkii laga beegsan lahaa shaqadooda.
Sida laga soo xigtay UNESCO, in ka badan 73% haweenka suxufiyiinta adduunka ayaa la kulmay hanjabaado onlayn ah, kuwaas oo mararka qaar isu beddela weerarro jireed. Warbixinta SOMWA ee 2025 waxay muujisay in hal ka mid ah saddex haween saxafi Soomaaliyeed ay la kulmaan aflagaado dijitaal ah sanad walba — inta badan iyadoo loo marayo ololeyaal been abuur ah oo lagu dhaawacayo sumcaddooda shaqsiyeed. Seylac waxay ku baaqday iskaashi u dhexeeya dowladda, bulshada rayidka, iyo shirkadaha tiknoolajiyada si loo sugo meelaha dijitaalka ah: “Isla qalabka lagu faafiyo nacaybka ayaa noqon kara kuwa lagu mideeyo, lagu difaaco, laguna xoojiyo. Waa inaan tiknoolajiyada u adeegsannaa caddaalad iyo isgarabtag.”
Farriinteeda waxa ku raacay Mr. Sam Thomas, Ku-xigeenka Safiirka Safaaradda Britain ee Muqdisho, kaas oo ammaanay SOMWA hoggaankeeda iyo dadaalkeeda. “Caddaalad dib u dhacday waa caddaalad la diiday, waana in la soo afjara ciqaabla’aanta,” ayuu yiri. Wuxuu xaqiijiyay in Dowladda UK ay sii wadi doonto taageerada xorriyadda saxaafadda iyo difaaca suxufiyiinta, iyadoo maalgelinaysa tababaro, wacyigelin iyo iskaashi. Wuxuu xusay suxufiyiin Soomaaliyeed oo la dilay, sida Amun Cabdullaahi, oo sanadkii hore lagu dilay sababo la xiriira warbixinteeda. “Magacyadooda iyo sheekooyinkooda waa in aan la illaawin,” ayuu yiri. Thomas wuxuu sidoo kale tilmaamay caqabadaha jira – laga bilaabo sharciyada xaddidan ilaa dhaqamada bulshada ee keenaya takoorka. “Haweenka saxafiyiintu waxay wajahan culays labajibbaaran: hanjabaad sababta shaqadooda iyo rabshado jinsiyeed sababta ay haween u yihiin,” ayuu yiri.
Wakiilka UNESCO, Misako Ito, ayaa sheegtay in tan iyo 2006, in ka badan 1,800 suxufi lagu dilay caalamka, iyadoo 90% kiisaskaas aan weli la xallin. Waxay xustay in Soomaaliya weli tahay mid ka mid ah dalalka ugu khatarsan ee suxufiyiinta. Wakiilka OHCHR, Kirsten Young, ayaa tiri: “Marka suxufiyiinta la aamusiiyo, xadgudubyada xuquuqda aadanaha waa la qariyaa.” Waxay xustay in xiritaanka 75% xarumaha hal-meel ah ee taageera dhibbanayaasha rabshadaha jinsiyeed ay yareeyeen helitaanka caddaaladda iyo macluumaadka.
Wakiilka UN Women, Rukaya Mohamed, ayaa sheegtay in dijitaalka uu yahay “seef laba af leh.” “Xorriyadda hadalka waa arrin xuquuqda haweenka ah,” ayay tiri. “Haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay dib u qeexayaan hoggaanka, awoodda iyo sheekada bulshada.” Waxay ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga dowladda, shirkadaha tiknoolajiyada, iyo bulshada rayidka si loo ciqaabo xadgudubyada onlaynka, loona kordhiyo wacyigelinta dijitaalka ee haweenka iyo gabdhaha. “Aan ka dhigno tiknoolajiyada mid awood siineysa haweenka saxafiyiinta — waa inaanan mar dambe la aamusiin loona hanjabin,” ayay tiri.
Soomaaliya weli waxay dib u dhiseysaa nidaamkeeda sharci iyo siyaasadeed. Xeerarka hadda jira sida Xeerka Ciqaabta ee 1962 iyo Xeerka Warbaahinta ee 2016 kama hadlaan dembiyada dijitaalka ama jinsiga ku saleysan. Si kastaba ha ahaatee, Xeerka Ilaalinta Xogta (Data Protection Act 2023) waa tallaabo wanaagsan oo mamnuucaya isticmaalka xun ee xogta shaqsiga. Khubaradu waxay ku taliyeen: in lagu daro qodobo sharciyeed oo si gaar ah u xusaya rabshadaha dijitaalka ah ee jinsiga ku saleysan, in la xoojiyo awoodda garsoorka iyo booliska ee kiisaskan noocan ah, iyo in la hubiyo in xeerka ilaalinta xogta lagu dabaqo si jinsiyad-u-janjeera leh.
Haweenka suxufiyiinta marka ay la kulmaan hanjabaado onlayn ah, helitaanka caddaaladdu aad buu u kooban yahay. Waxaa la soo jeediyay in la dhiso unugyo gaar ah oo baaraya dambiyada dijitaalka ah, oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda iyo Booliska, islamarkaana la tababaro garsoorayaasha iyo dacwad-oogayaasha si ay u maareeyaan caddaymaha dijitaalka ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdullaahi Xayir, ayaa sheegay in Soomaaliya mudnaanta siineyso xorriyadda saxaafadda iyo badbaadada suxufiyiinta. Wuxuu xusay in wasaaraddu diyaarisay hindise siyaasadeed oo lagu maareynayo isticmaalka baraha bulshada, kaas oo dhawaan la horgeyn doono Golaha Wasiirrada.
Markii shirka la soo xirayay, Maryan Seylac waxay tiri: “Haweenka suxufiyiinta ma aha dhibanayaal la ilaalinayo – waa hoggaamiyeyaal mudan in la taageero. Waa sheekeyaal dhisaya mustaqbalka Soomaaliya.” Ereyadeedu waxay xambaarsanaayeen ruux adkeysi iyo rajo. Ilaalinta haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed waa waajib akhlaaqeed iyo shuruud dimuqraadi ah. Waxay ku soo gunaanadeen ereyadii saxafiga Kenyan-ka ah Salome Sakwe: “Aamusinta hal haweeney saxafi ah waxay la mid tahay aamusinta kumannaan haween ah.”