Muxuu yahay tuugga layaabka leh ee ay warbaahinta Pakistan hadal-haysaahi ?
Dhacdo la yaab leh oo ka dhacday dalka Pakistan ayaa si weyn u qabsatay warbaahinta ka dib markii tuug dhacayay goob ganacsi uu isku beddelay qofkii ugu naxariista badnaa.
Sheekadan sida si weyn loo hadal-hayo oo ah dhacdo naadir ah ayaa taabatay qalbiyada dad badan, kaddib markii tuug galay mid ka mid ah tukaamada yar-yar ee dalkaas, ayadoo ujeeddadiisuna ay ahayd inuu qaato wixii uu awoodo.
Markii uu gudaha u galay, tuuggu wuxuu durba soo urursaday alaabtii uu u baahnaa, isagoo ka faa’iideysanaya cabsi uu ka abuuray dadka joogay tukaanka.
Si lama filaan ah, dhacdada ayaa jihadii ay ku socotay iska beddeshay, ka dib markii Gabar yar oo tukaanka ku sugneyd ay u soo dhowaatay tuugga, iyadoo si aad u deggan ugu dhiibtay nacnac ay gacanta ku haysatay.
Gabadha ayaa la sheegay inay aragtay sida Aabbaheed uu ugu dhibtooday cabsi-gelinta tuugga, iyadoo tuuggu qaatay wixii jeebkiisa ku jiray oo dhan.
Dhacdadan naxariista leh ayaa qalbiga tuugga si muuqata u beddeshay, ka dib markii uu arkay kalsoonida iyo degganaanta gabadha, tuugga ayaana si lama filaan ah u hakaday oo cabaar uu fakarayay ka dib celiyay dhammaan hantidii uu dukaanka ka dhacay.
Sidoo kale tuugga oo uu ka muuqdo isbeddel degdeg ah ayaa gabadhii yarayd madaxa ka dhunkaday, ka dibna iska baxay.
Dadkii goobta joogay ayaa la yaabay, maadaama dhaqankiisu uu noqday mid gebi ahaan ka duwan sidii horez kaamirooyinka dukaanka ayaana duubay dhammaan falkii meesha ka baxay.
Dhacdadani oo hadda baraha bulshada aad loogu wadaagayo, ayaa dhalisay dood ku saabsan awoodda naxariista, saamaynta ay leedahay degganaannta carruurtu, iyo sida fal naxariis lihi uu u beddeli karo xaalad u muuqatay mid qalafsan.
Bulshada Pakistan ayaa weli ka hadleysa dhacdadan la yaabka leh, iyagoo qaar ka mid ah dadkii ka falceliyey ay tilmaameen in tani ay tusaale u tahay in mararka qaar naxariista iyo macaamiilka wanaagsani ay mowqif walba badeli karaan.