Nidaamka ECTN: Hirgelinta Raadraaca Xamuulka iyo Casriyeynta Dekedaha Soomaaliya
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in nidaamka Electronic Cargo Tracking Number (ECTN) uu si buuxda uga dhaqan galay dhammaan dekedaha dalka, islamarkaana uu yahay shuruud qasab ah oo lagama maarmaan u ah badeecad kasta oo soo galeysa ama ka baxeysa Soomaaliya. Nidaamkan ayaa markii hore la hirgeliyey 1-dii February 2023, waxaana hadda loo adeegsanayaa xoojinta amniga, daahfurnaanta ganacsiga, iyo ilaalinta dakhliga dowladda.
Maxaa Yahay ECTN?
ECTN waa lambarka elektarooniga ah ee lagu diiwaangeliyo safarka xamuulka laga soo raro dekedaha caalamka ilaa uu ka gaarayo Soomaaliya. Waxay ka hortagtaa in shixnadaha lagu qaldo xog been ah, lagu soo raro badeecooyin aan la caddeyn, ama lagu lunto dakhli kastam.
Yaase Adeegsada ECTN?
In ka badan 22 dal oo Afrika ah ayaa isticmaala nidaamkan, kuwaas oo doonaya inay:
Ilaaliyaan amniga dekedaha
Xakameeyaan badeecadaha soo gelaya
Kordhiyaan dakhliga kastamka
Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalkaas si ay u casriyeyso nidaamka ganacsiga badda.
Maxaa Looga Baahan Yahay Ganacsatada?
Dhammaan:
Soo dejiyeyaasha
Dhoofiyeyaasha
Shirkadaha xamuulka
Wakiillada maraakiibta
Kastamka
waa inay shixnad kasta ka helaan ECTN bogga rasmiga ah: ctnsomalia.com, ka hor inta aan xamuulka la saarin ama laga qaadin.
Haddii Aan La Helin ECTN?
Shixnadda:
Lama saari karo markabka
Lama soo dejin karo dekedaha Soomaaliya
Waxaa lagu qaadi karaa ganaaxyo, dacwad ciqaabeed, ama lagala noqon karaa ruqsadda wakiilka
Faa’iidooyinka Nidaamka ECTN
Nidaamkan wuxuu ku soo kordhiyay Soomaaliya:
Daahfurnaan iyo amni sare – xogta badeecadaha ayaa noqoneysa mid la hubin karo.
Dakhliga dowladda oo kordha – waxaa meesha ka baxa musuq iyo xog been ah.
Degdeg iyo nidaam cad oo dekedaha ah – shixnadaha ayaa si dhakhso ah loo fasaxaa.
La jaanqaadidda nidaamyada caalamiga – Soomaaliya waxay ku biiraysaa dalalka adeegsada tracking-ka dijitaalka ah.
Ka hortagga badeecooyinka sharci-darrada – sida hubka, daroogada ama walxaha la mamnuucay.
ECTN waa nidaam casri ah oo muhiim u ah dhismaha dowladnimada Soomaaliya, iyo sidii loo xoojin lahaa amniga badda, dakhliga dowladda iyo hufnaanta ganacsiga. Hirgelintiisu waxay calaamad u tahay in Soomaaliya ay ku socoto waddadii saxda ahayd ee casriyeynta dekedaha iyo ilaalinta hantida qaranka.