Garsoore Cumar Abdulkadir Artan oo ku guulaystay abaalmarinta Garsooraha Ugu Fiican Afrika, haddaba maxaan ka ognahay halgankiisa kubbadda cagta ?
Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalamiga ah, Cumar Cabdulqaadir Artan, ayaa ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Ugu Fiican Qaaradda Afrika 2025, taas oo uu sannadkan si rasmi ah u guddoonsiiyay Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).
Dhacdadan ayaa noqotay guul taariikhi ah oo kor u qaaday sumcadda Soomaaliya ee kubadda cagta, isla markaana muujisay heerka xirfadeed ee garsoorayaasha Soomaaliyeed.
Abaalmarintan ayaa loo tartansiiyay saddex garsoore oo ka kala socday South Africa, Mauritius iyo Soomaaliya.
Kaddib qiimeyn dheer oo lagu saleynayay waxqabadka garsoorayaasha sannadkii lasoo dhaafay, hufnaantooda shaqo, iyo sida ay u maareeyeen kulamada heer sare ee qaaradda, guddiga CAF ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay in Cumar Abdulkadir Artan yahay shaqsiga ugu mudan ee qaata billadda garsooraha sannadka 2025.
Cumar Abdulkadir Artan wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku soo barbaarey jaceylka uu u qabo kubadda cagta, inkasta oo uu fursad u helay inuu ciyaaryahan noqdo, haddana wuxuu doortay waddada garsoorka.
Waxbarashadiisa hore wuxuu ku qaatay gudaha dalka, ka dibna wuxuu qaatay tababaro heer gobol iyo heer qaran oo ay soo qaban-qaabiyeen hay’adaha kubadda cagta ee Soomaaliya.
Dadaalkiisi joogtada ahaa ee kubadda cagta ayaa horseeday inuu gaaro guulo heer caalami ah, isagoo sanadkii 2017 helay shahaadada FIFA ee International Referee Badge, taas oo u siisay fursad inuu garsooro ka noqdo kulamo caalami ah oo ka dhacay gudaha Afrika iyo meelaha ka baxsan.
Garsoore Cumar waxaa lagu yaqaannaa:
Go’aan qaadasho degdeg ah oo sax ah
Xakameyn wanaagsan oo ciyaareed
Dhexdhexaadnimo iyo hab-maamul xirfad leh
iyo Kartida uu ku maareeyo kulamada cadaadiska leh.
Sannadihii lasoo dhaafay, wuxuu garsoore ka noqday kulamo muhiim ah oo ka tirsan CAF Champions League, AFCON, iyo isreeb-reebka Koobka Adduunka, kuwaas oo dhammaantood uu kaga baxay si heer sare ah.
Sanadkan, Garsoore Cumar Abdulkadir waxaa si weyn loogu ammaanay sida uu u maamulay kulamo muhiim ah oo ka dhacay qaaradda Afrika, kuwaas oo ay CAF ku tilmaantay tusaale hufnaan, xasillooni iyo garsoornimo heer caalami ah.
Bishii November, guddiga abaalmarinta CAF ayaa ku dhawaaqay in Cumar Abdulkadir Artan uu yahay Garsooraha Ugu Fiican Afrika 2025, taas oo ka dhigtay garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee ku guuleysta abaalmarintan sare.
Guushan ayaa loo arkaa mid ka tarjumeysa in Soomaaliya ay leedahay xirfadlayaal awood u leh inay ka muuqdaan masraxyada ugu waaweyn ee isboortiga caalamka, inkastoo caqabado badan ay weli jiraan.